13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay in uu Axadda tegayo magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco,November 03, 2006(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ku dhawaaqay in uu maalinta Axadda ah ee soo socota uu tegi doono magaalada Muqdisho oo ay hataan ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.

 

Shariif Xasan waxaa uu sheegay in sababta uu u tegayo Magaalada Muqdisho ay tahay sidi uu wada hadallo ula furi lahaa maxkamadaha Islaamka oo si weyn ay isugu kacsan yihiin Dowladda federaalka, wuxuuna caddeeyay in uu go’aankaas kaligiis qaatay, isla markaana aysan kula jirin mas’uuliyiinta kale ee dowladda.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegay in ay si weyn wel wel ugu heyso in xiisadda ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo maxkamadaha Islaamka ay isu rogto gacan ka hadal uu dhiig ku daato, wuxuuna carrabka ku dhuftay in isaga iyo Xildhibaano dhowr ah oo Nairobi ka soo raaci doona ay isku dayayaan sidii khilaafka jira meesha looga saari lahaa.

 

Shariif Xasan waxaa uu horay ugu dhawaaqay in uu iska casilay ka qeybqaadashada wada hadallada u dhaxeeya maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda federaalka, waxayna Xildhibaano ku dhow dhow guddoomiyaha Baarlamaanka taasi ku sababeeyeen in uu Guddoomiyaha ka carooday qoraal uu Ra’iisal Wasaare Geedi u diray beesha Caalamka, sidoo kalena wuxuu mar kale guddoomiyaha Baarlamaanka mar kale wada hadallada uga haray iyadoo uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf warqad u qoray Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Baashiir, taasi oo ku saabsaneyd in wada hadallada Khartoum uu dowladda u metelayo Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil, Guddoomiyaha Baarlamaankana uu yahay Guddoomiye sharafeed.

 

Xildhibaano ka badan 30 Mudane oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliyeed,  isla markaana ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo siyaasadaha Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa horay ugu sugnaa magaalada Muqdisho, kuwaasi oo horay wada hadallo ula yeeshay maxkamadaha Islaamka, inkastoo wada hadalladooda ay ahaayeen kuwo saaxibtinimo oo aan muhiimad weyn lahayn.

 

Maxkamadaha Islaamka oo iyaguna maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliyeed uu dhawaan imaan doono, waxaana muuqata in maxkamadaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay is-ogyihiin, wada hadallo ka gedisan kuwii Khartoum-na ay Muqdisho ka bilaabi doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).