13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Kooxihii Burcad Badeedka oo Markab ku af-duubtay Xeebaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 03, 2006(HOL): Markabkan oo lagu magacaabo MV Fishan ayaa wuxuu dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ku dejiyay badeeco uu u siday ganacsato Soomaaliyeed, kadbna wuxuu dhuxul ka qaaday dekedda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan, iyadoo ay af-duubteen kooxo Burcad Badeed ah.

 

Markabkan oo ka diiwaangashan dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa saaran 12 nin oo u dhashay dalka Hindiya iyo Kabtankii Markabka oo u dhashay dalkaItoobiya, sida uu sheegay C/raxmaan Colow oo ka mid ah ganacsatadii uu Markabkaas u rarnaa.

 

C/raxmaan Colow waxaa uu sheegay in ay lama filaan ku noqotay afduubka loo geystay Markabka u rarnaa, wuxuuna caddeeyay in ay Maxkamadaha Islaamka ku wargeliyeen in ay soo laabteen Kooxihii Burcad Badeedka.

 

Ganacsade C/raxmaan Colow waxaa uu sheegay in Markabkan la qabsaday markii uu ka shiraacday Dekedda Ceel Macaan, wuxuuna intaas ku daray in Kabtankii Markabka oo la soo xiriiray uu u sheegay in ay qafaasheen  Rag Soomaali ah.

 

Waa af-duubkii ugu horeeyay oo xeebaha Soomaaliya loogu geysto Markab tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta deegaano badan oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena ay Ciidamada Mareykanka ee jooga xeebaha Soomaaliya ay dhowr jeer weerareen kooxo Burcad Badeed ah oo doonayay in ay Maraakiib qafaashaan.

 

Ugu dambeyntiina, Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxay xukun toban sano ku dhow ku riday midkiiba 10 nin oo lagu soo eedeeyay falal burcad badeednimo ah, inkastoo raggaas ay ku doodayeen in ay ahaayeen kalluumeysato caadi ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).