16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka oo kaalmo u fidisay Dadka ay ku barakacay Fatahaadda Webiyada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 29, 2006(HOL): Ururka Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa deeq u fidisay dadka ku barakacay Fatahaadda Webiyada Shabeelle iyo Jubba ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay heysato Xaalad Bani’aadannimo oo aad u daran.

Kaalmo isugu jirtay Bariis, Bur, Sokor, Buskud iyo Dawo ayuu Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka maanta gaarsiiyay Magaalada Muqdisho, waxaana deeqdaas oo laga dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho guddoomay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo ah mid ay Maxkamadaha Islaamka magacaabeen.

Deeqdan waxaa Muqdisho gaarsiiyay Suleymaan Al-Xuseyni, wuxuuna sheegay in kaalmadan ay u soo dhiibtay dadka Soomaaliyeed Dowladda Imaaraadka oo u soo marsiisay Ururka Bisha Cas, wuxuuna caddeeyay in kaalmadan oo aan ahayn tii ugu dambeysay ay dowladda Imaaraadka ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Maxkamadaha Islaamka oo dhanka kalena ah Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa deeqdaas guddoomay, wuxuuna mahadcelin u jeedin Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka kadib uu tilmaamay in ay ka sugayaan kaalmo kale oo intaas badan bacdamaa ay gudaha Soomaaliya ku tabaaleysan yihiin dad aad u faro badan.

Ilaa 6 gobol oo ku yaala dalka Soomaaliya, isla markaana ay maraan Webiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa waxaa ku barakacay dad aad u faro badan, kuwaasi oo dalagyo ay tacbadeen iyo guryahoodiiba ay Fatahaadda Webiga la tageen, waxaana xusid mudan in dadkaasi  oo gurmad deg deg ah ay haatan halis ugu jiraan in ay qaadaan cudurro ay ka mid yihiin Malaria-da iyo Shubanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).