Arbaco, November 29,2006(HOL): Odayaal dhaqameedyo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho, isla markaana ka kala socday gobollada Dalka ayaa waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka in muddo todobaad ah ay uga saarto dalka Soomaaliya Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay soo gelisay, haddii kalena ay kalsoonida kala noqon doonaan.
Kulanka ay Oday dhaqameedyada isugu yimaadeen oo looga hadlayay xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya iyo weliba doorka ay Odayadu ku yeelan karaan difaaca dalka iyo diinta, iyadoo ay odayaashu cambaareyn wada jir ah u jeediyeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo ay ku macneeyeen hadalkii uu dhawaan sii daayay mid uu ku doonayo in uu ku qabsado dalka Soomaaliya.
Suldaan Siciid Cartan oo ka mid ahaa Odayaashii hadlay ayaa sheegay in aysan waxba tareynin in hadal lagu wajaho ciidamada shisheeye ee dalka soo galay, wuxuuna talo ku bixiyay in haatanba laga hortago, isla markaana ay Odayaashu furunta dagaalka tagaan, taasi oo keeni karta sida uu yiri in ay dhamaan dadka Soomaaliyeed ku dayan doonaan.
Suldaan Siciid wuxuu intaas ku daray in wixii aan la huri doonin horay loo galo, waxa dalka soo galayna ay yihiin cadaw aaney jirin cid ka celineysa dadka Soomaaliyeed Alle mooyee, wuxuuna ku cel celiyay in Maxkamadaha Islaamka oo hormuud u ah sida uu hadalka u dhigay shacabka Soomaaliyeed ay la gudboon tahay in aysan cadawga sugin oo ay dagaalka ku bilaabaan.
Islow Abukar Socdaal ayaa isna ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi in aysan been u sheegin Ameerika lacagta yarta ah ee ay siineyso, wuxuuna ka rajeeyay in uusan ku ciyaarin xiriirka ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aysan u suurtoobeynin Meles Zenawi in uu xoog ku qabsado Dalka Soomaaliya oo ay qabsan waayeen Talyaani iyo Ingiriis.
Islow Abuukar Socdaal wuxuu sheegay in Meles Zenawi markii uu halganka ku jiray uu Soomaaliya joogi jiray, isla markaana uu ahaa nin Reer Xamar ah oo Baasaboor Soomaali ah heystay, “Waxaan leenahay Meles Zenawi haddii aad dooneyso in aad derisnimo wanaag kula noolaato Soomaaliya ciidamadaada ka saaro dalka Soomaaliya”ayuuna yiri nabaddoonka oo sheegay in uusan Meles Zenawi sanka ka gelin karin dadka Soomaaliyeed dowladda ay soo dhiseen haddii aysan rabin.
Nabaddoonnada kulanka isugu yimid oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Siciid Cartan, Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, Islow Shariif Xasan, Boqor Raabi, Xaaji Maxamed Saalax, Ugaas Maxamed Weli, Nabaddoon Cumar Dheere ayaa waxay kulankooda ka soo saareen qodobo ay ka mid ahaayeen in Maxkamadaha Islaamka ay dardargeliyaan dib u heshiisiinta, isla markaana ay ka qeybgeliyaan dadka aan looga maarmin ee bulshada ku dhex jira, in dowladda Federaalka ay ogaato in jiritaankeeda uu ku dhisan yahay wada hadal iyo dib u heshiisiin, joojisana abaabulka dagaalka, isla markaana ay ciidamada ay dalka soo gelisay ay ku saarto muddo todobaad ah, waxay ku soo dhaweeyeen odayaasha heshiiskii Maxkamadaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay Muqdisho ku gaareen, waxay UNka u soo jeediyeen in uusan qaadin cunaqabateynta hubka, sidoo kalena waxay baaq u direen Beesha Caalamka oo ay ka codsadeen in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ku barakacay Fataahadaha Webiyada Shabeelle iyo Jubba ee dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia