16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maleeshiyada Cabdi Qeybdiid oo lagu eedeeyay in ay Oday dhaqameedyo Af-duubteen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 29, 2006(HOL): Maleeshiyo ka amar qaata Hoggaamiye Kooxeedka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa lagu eedeeyay in ay deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe ku af-duubteen Oday Dhaqameedyo xal doon ahaa.

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka ee Gobollada Dhexe Maxamed Maxamuud Cagaweyne ayaa sheegay in maleeshiyooyinka Cabdi Qeybdiid ay Odayaal ka tegay Degmada Cadaaado, isla markaana  xalinayay dilal bishii Ramadaanka ka dhacay deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe qafaasheen, kadibna ay u gacan geliyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo deegaanadaas ku sugan.

Cagaweyne ayaa intaas ku daray in odayaashaasi aan la garaneyn halka ay u kaxeysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Cabdi Qeybdiid, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladda odayaashaasi oo aan wax danbi ah galabsan marka laga reebo in ay u kala ergeynayeen beelo walaalo ah oo wada dega gobollada dhexe.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Cabdi Qeybdiid oo xaqiijinaya ama beeninaya eedeynta loo soo jeediyay. Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo ka amar qaata Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan Gobolka Mudug oo ay dhawaan ku dagaalameen.

Maalintii shalay ahayd ayuu Maxamed Maxamuud Cagaweyne sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan meel 3km u jirta Deegaanka Bandiiradley ay madaafiic ku soo tuureen, iyaguna ay madaafiic ku jawaabeen, wuxuuna caddeeyay in labada Ciidan ay si aad ah isugu dhow yihiin xilli kastana la filan karo in ay dagaalamaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).