Talaado, Nvember 28,2006(HOL): Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo maanta ka qeybgalay banaanbax Muqdisho ka dhacay oo looga soo horjeeday Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ayaa sheegay in haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado Cunaqabateynta Hubka ay iyaguna soo geli doonaan Soomaaliya Muslimiinta Caalamka, “Haddii UN-ka ka qaado Soomaaliya Cunaqabateynta Hubka annaguna waxaan keeni doonnaa Muslimiinta Caalamka”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-Cadde.
Shiikh Yuusuf Indha Cadde waxaa uu sheegay in ay dalka Soomaaliya ku soo duuleen Ciidamo Tigree ah oo ka amar qaata Meles Zenawi, kuwaasi oo doonaya in ay qabsadaan dalka Soomaaliya, wuxuuna ku goodiyay in haddii aysan dib ugu laaban dalkooda ay jab la kulmi doonaan, isla markaana meydkooda lagu aasi doono Gaalkacyo iyo Baydhabo oo dabcan haatan laga soo sheegayo in ay Ciidamo Itoobiyaan ah joogaan.
Yuusuf Indha Cadde ayaa ku eedeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi in ay gadaasha ka riixayaan Ciidamada Tigree-ga, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan la aqoonin waxa ay Itoobiyaanka uga doonayaan Ciidamada ay u soo horkacayaan, “Wax aan la aqoonin ayay doonayaan, haddiise ay kursi doon yihiin annaga ayaa walaalihiin ah oo Kuraas idiin heynee noo imaada ayaan leenahay”ayuuna yiri Shiikh Yuusuf Maxamed Indha Cadde.
Xoghayaha Waxbarashada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Fu’aad Maxamed ayaa isaguna sheegay in haddii ay bilaabato rasaasta ugu horeyso ee Jihaadka, isla markaana uu dagaalka bilowdo in dhamaanba albaabada loo laabi doono Goobaha Waxbarashada iyo kuwa ganacsiga, inkastoo uusan caddeynin waxa laga doonayo dadka goobahaasi ku sugan oo ay soo gelayaan Ciyaal School-ka.
Dhanka kalena, waxaa saakay deegaano u dhaxeeya Seddex Xiglo iyo Bandiiradley oo Gobolka Mudug ka tirsan rasaas isku weydaarsaday Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo Itoobiyaan ah, wuxuuna Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Gobollada dhexe Maxamed Maxamuud Cagaweyne uu sheegay in ay saakay 9:30 subaxnimo ay madaafiic ku soo tuureen Ciidamo Itoobiyaan ah, iyaguna ay rasaas kale uga jawaabeen. Cagaweyne ma sheegin wax khasaare ah oo is-rasaaseyntaas ka dhashay.
Madaafiicda ay is-weydaarsadeen Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in Itoobiyaanku ay saakay madaafiic ku tuureen Ciidamada Maxkamadaha ee Gobollada Dhexe, wuxuuna ku tilmaamay Shiikh Shariif arrintaas daandaansi ay wadaan Ciidamada Itoobiya, “Bandiiradley ma Itoobiya ayaa leh, ma lahan ee gardarro ayay ku timid, waana laga saari doonaa haddii Alle yiraahdo”ayuu yiri Shiikh Shariif oo wax aan suurtagelynin ku tilmaamay in ay Soomaaliya oo xor ah isu dhiibto Meles Zenawi.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in Meles Zenawi uu dhawaan sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka hub ka heleen Dowladaha Iiraan iyo Eretereya, wuxuuna warkaasi ku tilmaamay mid aan rasmi ahayn, “Meles Zenawi waxaa laga rabaa in uu yeesho raganimadeeda oo uu yiraahdo Soomaaliya aniga ayaa doonaya in aan weear ku qaado”ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia