Talaado, November 28,2006(HOL): Ciidamada Maxkamada ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Gobalka Hiiraan ayaa 48kii saac ee la soo dhaafay ahaa kuwo heegan buuxa ku jira kadib markii sida la sheegay ciidamada dowlada Itoobiya oo kaashanaya kuwo Soomaali ah ay dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaabeen dhinac Xadka.
Marka uu gabalku dhaco Xiliga habeenkii ayeey Indhahaagu qabanayaan Ciidamada Maxkamadda oo ku hubeysan gawaarida Dagaalka oo dibada uga soo baxaya magaalada, waxaana sida ay u sheegeen HOL Qaar ka mid Mas’uuliyiinta ciidamadu si weyn xoogga loo saarayaa dhinaca Xadka oo sida ay hadalka u dhigayaan ay soo buuxiyeen Tikree iyo waliba ciidamo Soomali ah oo ay hogaaminayaan wax ay ku tilmaameen dad aan Raali ka aheyn nidaamka Islaamiga ah.
Meelaha uga daran ee ciidamadu heeganka uga jiraan ayaa waxaa ka mid ah Jidadka gala ka soo baxa dhinaca Xadka, sida Feer-feer, Mustxiil, Far-libaax iyo waliba deegaanka Qurac-joomo oo ku yaala xadka kala qeybiyay Gobalada Hiiraan iyo Bakool, xuduud dhawna la leh Dowladda itoobiya, waxaana ciidamda halkaas ku sugan ay bilaabeen in ay baritaan adag ku bilaabaan gawaarida gasha dhinaca Itoobiya, gaar ahaan kuwa ganacsiga.
Dadka ku safra wadooyinka ciidamada la geeyay ayaa marka aad la sheekeysato kuu sheegaya in ay jiraan ciidamo ka dhan ah kuwa maxkamadaha oo jooga Goobihii ay soo mareen, waxaana ay intaa ku darayaan in ciidamadaa xoogoodu yihiin dad Soomali ah.
Arinta ku saabsan dhaq-dhaqaaq ciidan ayaa markiiba shaki ku abuuray Ajabiga ku sugan gudaha gobalka oo warar hoosa oo soo baxaya ay sheegayaan in ay walaac adag ka muujinayaan sii waditaanka howlaha ay ugu gar gaarayaan dadka ku barakacay Fatahaada wabiga shabeele.
Sidoo kale dadka iyaguna u dhaqan Magaalada B/weyn oo hada dibad jiif ah ayaa hadal haya arimaha soo cusboonaaday, oo marka aad dhan ka eegto ah nasiib darro ku ah daruufaha ay ku nool yihiin oo ah mid u baahan gacan taageero.
Ra’iisul wasaaraha dowlada Itoobiya Meles Zenawi ayaa dhawaan mar uu qudbad uu jeedinaya baarlamaanka dalkiisa waxaa uu sheegay in uu ka hortigi doono xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online