16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Banaanbax looga soo horjeeday Mareykanka iyo Itoobiya oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, November 28,2006(HOL): Banaanbax aad u ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa saakay wuxuu ka dhacay Fagaaraya Tareebuunka ee magaalada Muqdisho, iyadoo banaanbaxa oo ahaa mid deg deg lagu qaban qaabiyay looga soo horjeeday Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya.

Xoghayaha Golaha Kacdoonka Shacabka  C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ujeedada ay banaanbaxa u qaban qaabiyeen ay tahay sidii ay Dadka Soomaaliyeed u muujin lahaayeen dareenkooda ku aadan in ay ka soo horjeedaan qaraar uu Mareykanku wato oo uu ku doonayo in uu maalinta berri ah horgeeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ku saabsan in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya iyo sidoo kale faragelinta ay Dowladda Itoobiya ku heyso Dalka Soomaaliya.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa kale oo uu sheegay in banaanbaxa maanta ay isku diiwaangeliyeen dadweyne aad u faro badan oo doonaya in ay ka qeybqaataan Jihaadka, iyadoo kuwo horay isu diiwaangeliyayna loo qaadi doono halka ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka difaaca uga jiraan .

Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha maxkamadaha Islaamka ayaa banaanbaxa ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, wuxuuna sheegay in haddii dadka Soomaaliyeed ay isku duubnaadaan ay ka adkaan karaan cid kasta oo soo weerarta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan yareyn  inta jeer shirqoollo loo maleegay dadka iyo dalka Soomaaliyeed balse uu Allaah u gargaarayay mar kasta,

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in uusan Alle fiirinin hub badnaan iyo tiro badni, hayeeshee waxa uu fiirinayo ay tahay sida ay adoomadiisa ugu xiran yihiin oo ay ugu hoggaansan yihiin, wuxuuna intaas ku daray in mar kasta oo ay iska horyimaadaan Muslimiinta iyo Gaalada ay guusha helaan Musliminnta, taasina ay tahay hiil muslimiinta la siinayo.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya soo galay uu iyagu jabka ku dambeyn doono, wuxuuna ugu baaqay mar kale dadka Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan Jihaadka lagu difaacayo Dalka iyo Diinta.

“Haddii Meles Zenawi uu ku dhawaaqay dagaalka ka dhan ah Soomaaliya Maxkamadaha Islaamka iyo Umadda Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in ay jihaadaan oo ay dalkooda cadawga ka difaacaan, jihaadkana waa mid ah xaq ah oo ay dadka Soomaaliyeed dalkooda ku difaacanayaan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in waxa la dagaalami doona Itoobiyaanka aysan ahayn Maxkamado Islaami ah balse ay yihiin Shacabka Soomaaliyeed meel uu joogaba.

“Dalka wuxuu u baahan yahay difaac iyo in naf iyo maal loo huraa, dhamaan ganacsatadana waa in ay maalkooda iyo hubkooda ay ku bixiyaan Jihaadka”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ugu baaqay Dad Soomaali ah oo uu sheegay in ay Itoobiyaanka la safan yihiin ay soo raacaan walaalahooda Soomaaliyeed, “Meles Zenawi maanta haddii  uu idinku shaqeysto berri ayuu idinku soo jeesanayaa, xukunna idin gaarsiin maayo ee dadkii dhinac ka soo raaca”ayuu hadalkiisa ku sii daray  Shiikh Shariif Shiikh Axmed Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka oo Fagaaraha Tareebuunka kula hadlay dadweyne isugu soo baxay.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).