Isniin, November 27, 2006(HOL): Waa dhab in Soomaalidu ay tahay mid markiiba ka soo kabsan karta dhibaatooyinka soo food saara isla markaana yihiin dad shaqo abuur ah meel kasta oo ay ku nool yihiin sida dadka Qoysaskii ka bara kacay Fatahaadii Wabiga shabeele ee Magaalada B/weyn oo iyagu hadda nolol cusub ka sameystay Deegaanka Jante-kuudisho.
Marka aad muuqaal ahaan kor ka eegto Jante-kuundisho waa meel Buuraley ah oo Wax badan dhulka ka sareysa, waa meel Maalintii oo dhan Kuleyl daran uu ka jiro, Xiliga habeekiina aadan u adkeysan karin Qabowga dhacaya, dadka ku Bara kacay si kasto oo ay markii hhore u kala dhaqaale iyo nolol duwanaayeen hada waa isku mid marka aad eegto halka lagu wada nool yahay oo ah geedo laysa saaray bacuhuna saqaf u yihiin,
Laakiin marka aad Gudaha u gasho xaalada waxaa kuu soo baxaya in dadka halkaa ku dhaqan yihiin kuwo markiiba noloshooda caadi u bilaabay, oo waxaa ka dhax socda gudaha Jante-guudisho dhaq-dhaqaaq ganacsi oo la mid ah kii markii horeba ka jiray gudaha magaalada.
Waxaa furan suuqyo ganacsi oo kala duwan, waxaa caadi u shaqeynaya shirkadihii Xawaaladaha oo xafiisyo gaar ah ka furtay gudaha Jante-guudisho, waxaa la dhisay Goobo caafimaad oo lagu daweeyo dadka kuwaa laftirkooda xarumo ka sameystay Bacaha hoostooda, sidoo kale waxaa laga dhax sameeyay goobo ay ka baxaan Gawaarida u safarta Gobalada Dalka, iyo waliba kuwo BL ah oo dadka geeyo goobtii ay doonaan,
Dhaq-dhaqaaq oo idil ee ka jira Gudaha Jante-kuuntisho ayaa muujinaya sida dadka soomaalida ah markiiba ay ula qabsan karaan nolol kasta oo soo food saarta, lakiin marka aad arinta dhanka kale ka eego waxaa jira Ganacsi siyaabo kale looga faa’ideystay oo ka dhax socda gudaha Jante-kuundisho, Tusaale ahaan Mopelka Gacnta lagu qaato ayaa waxaa lagu buuxiyaa marka uu dabku ka dhaco ilaa 4000 ilaa 5000 oo sh. so. halka gudaha magalada markii hore lagu buuxin jiray ilaa 1000 sh. so. taasoo dadka ka ganacsada si dad ban ay uga faa’ideystaan.
Nolosha ka dhax jirta Jante-kuuntisho waagii hore aheyd kootaroolkii magaalada B/weyn ayaa marka aad dhan ka eegto muujineysa sida goobtaasi tahay meel ku haboon in deegaan laga sameysto, marka loo eego gudaha magaalada oo ah goob la oran karo markeedii horeba waxaa loogu tala galay xoogeeda in laga dhigto dhul beereed maadaama ay maraan Togag iyo dooxooyin aad u waaweyn, laakiin hadana dadku intiisa badan taa ma rumeysna marka gaar ahaan loo eego sida nolosha goobtaasi u adag tahay, Balse dantu waa wax cajib ah dadka Reer B/weyn hada ganacsigoodu xoogiisa waxaa uu ka socdaa gudaha Jante-kuuntisho.
Hay’adaha Samafalka Gobolka Hiiraan oo wax ka bedelay qaabka ay u bixinayaan Gargaarka
Kulan ay qaateen hay’adaha samafalka ka howl-gala Gobalka Hiiraan gaar ahaan kuwa ku howlan howlaha gar gaarka lagu gaar siinayo dadka bara kacay ayaa lagu sheegay in Isbadal lagu sameynayo qaabka gar gaarka lagu gaarsiiyo Qoysaska tabaaleysan.
Kulanka oo ay inta badan ka qeyb-qaateen hay’adaha gar gaarka ayaa soo baxay ka dib markii Goob hay’ada Care International ay ku bixinaysan Raashin uu ku geeriyooday ilmo yar oo saarnaa dusha hooyadii oo xiligaa meel Qorax u taagneyd in ay hesho gar gaarka ay bixineyso hay’ada.
Ilmaha yar ee geeriyooday ayaa sida ay cadeysay hay’ada waxaa ku xirmay naqaska, iyadoo intaa ay u dheereed kuleyl daran oo ka jiray goobta Raashinka lagu bixinayay, sidoo kale waxaa iyana xusid mudan in dhawaan qof dumar ah oo ku mashquulsanaa dhageysiga magaceeda si ay u hesho gar gaarka la bixinayo ay ku umushay isla goobtii ay taagneyd,
Arimahan ayaa keenay in kulan deg deg ah ay qaatee hay’adaha oo sheegay in wixii hada ka danbeeya dadka guryahooda lagu gaarsiin doono kaalmada loogu tala galay, waxaana ay intaa ku dareen in looga baahan yahay Qoysaska in ay san isku mashquulin Goobaha hay’aduhu fariisimaha ku leeyihiin maadaama loogu imanayo hoygooda.
Deegaanada Jante-guudisho iyo waliba Ceel jaale oo ah halka dagan yihiin Qoysaska ugu badan ee soo barakacay ayaa marka aad dhax tagto waxaa si weyn kuu soo jiidanaya kuleylka daran ee Qoraxda oo mid aysan u adkeysan karin caruurta iyo haweenka oo ah kuwa ugu badan ee ku soo xuuma goobaha lagu qeybiyo gar gaarka.
Hay’adaha SC -UK, ICRC, UNICEF, Care Intarnational iyo Bisha cas oo ah kuwa ugu badan ee ku howlan kaalmo gaarsiinta dadka soo barakacay, ayaa sheegay in dhawaan ay soo gabo gabeyn doonaan howlahooda samafalka , laakiin waxaa jira hay’ado aan dowli aheyn oo dhankooda hada uun aad moodo in ay bilaabeen samafalaka dadka soo bara kacay kuwaasoo qaarkood sheegay in ay sugayaan gar gaar ka soo gaaraya Magaalada Muqdisho,
Howalaha samafalka ee ka socda deegaanada Ceel jaale iyo Jante-kuuntisho ayaa sababay in halkaa ay ku soo jabaan Qoysas cusub oo u badan kuwo markoodii horeba ka soo bara kacay deegaanada Bay iyo Bakool si markaa ay u helaan gar gaarka la bixinayo, kuwaasoo marka aad dhan ka eegto sii adkeynaya howlaha samafalka ee socda.
Magaalada B/weyn oo siweyn Fatahaadu u sameysay ayaa hada u muuqata mid Biyuhu ka saa dhamaanayaan, walow hadana uu jiro bur bur weyn meelaha qaar ka muuda gaar ahaan guryaha laga bara kacay oo qaarkood dhulka la siman.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia