16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo ganacsatada iyo Shakhsiyaadka Hubka heysta ugu baaqay in ay Hubka ku wareejiyaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 27,2006(HOL): Wareegto ka soo baxday Golaha Maxkamadaha Islaamka oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa loogu sheegay Ganacsatada iyo Shakhsiyaadka hubka ku heysta meelaha ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka in ay hubkooda ku wareejiyaan Maxkamadaha Islaamka.

Ganacsatada iyo Shakhsiyaadka loo baaqay ayaa loo sheegay in ay hubkooda geeyaan Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo Maxkamadaha Islaamka ay ku heyn doonaan, waxaana loo magacaabay soo uruurinta Hubka Guddi uu Guddoomiye ka yahay ku xigeenka madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wareegtadan ayaa waxaa la oran karaa waa mid ay sugayeen Maxkamadaha Islaamka bacdamaa uu Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka uu horay ugu baaqay in Hubka Magaalada yaala lagu soo wareejiyo Maxkamadaha Islaamka, si loogu difaaco dalka, dadka iyo diinta.

Ganacsatada oo hubka ay heystaan uu dhaqaale adag ugu fadhiyo ayaan laga ogeyn sida ay ugu hoggaansamayaan amarka ka soo baxay Golaha Maxkamadaha Islaamka oo iyagu la wareegay talada Caasimadda Muqdisho iyo Deegaano dhowr ah oo ku yaala Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Dabcan sida ay Muqdisho beryahan ahayd ma jirto baahi ay Ganacsatada u qabi karaan in ay heystaan hub ay naftooda iyo maalkooda ku ilaaliyaan, waxaana taasi suurtageliyay Maxkamadaha Islaamka oo Muqdisho ka suuliyay kooxihii ka dambeeyay nabadgelyo darro 6 bilood ka hor ka jirtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).