16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ra’iisal Wasare Geedi oo sheegay in bartamaha sanadka soo socda la dhaqangelinayo Baasaboor ay leeyihiin Dadka Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, November 27,2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa sheegay in bartamaha sanadka soo socda ee 2007 uu dhaqangal noqon doono Baasaboor ay leeyihiin Dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in Baasaboorkaas oo qaab casri ah u sameysan ay dadka Soomaaliyeed kaga bixi doonaan baahidii ay u qabeen in ay helaan Baasaboor ay ku socdaalaan kadib markii uu qiimo beelay Baasaboorkii hore, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu intaas ku daray in ay sidoo kale dhaqangal noqon doonaan seddex Baasaboor oo kale oo uu ku jiro midka Diblumaasiyiinta la siiyo.

Baasaboorkan oo qaabka loo sameysanayo uu wax weyn ka bedelan yahay midkii laga sameysan jiray Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa uu meesha ka saari doonaan haddiiba ay dadka qaataan, isla markaana Dowladda Federaalka ee soo sameysay ay aqoonsi u hesho in ay dadka si been abuur ah ay u sameystaan, wuxuuna Ra’iisal Wasaare Geedi sheegay in Baasaboorkan uu yahay mid aqoonsi looga hayo Caalamka.

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in dhamaan dadka Soomaaliyeed ay Baasaboorkan qaadan doonaan, iyagoo la xiriiraya Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn sida uu ku dhaqangeli karo Baasaboorkan oo ay ka soo horjeedaan Maxkamadaha Islaamka iyo taageerayaashooda.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in Baasaboorkaas uu yahay mid aan sharci ahayn oo ay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo aan ogoleyn Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay Shiikh Shariif in aaney Maxkamadaha Islaamka qaadan doonin Baasaboorkaas, ayna diidi doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).