16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya in uu Ciidamadiisa kala baxo Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 27,2006(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan Dalka Jabuuti ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi in uu Ciidamadiisa kala baxo Dalka Soomaaliya.

Guddoomiye Shariif Xasan waxaa uu sheegay in Meles Zenawi uusan xaq u lahayn in uu Ciidamo soo geliyo dalka Soomaaliya, isla markaana uu la safto Dowladda Federaalka isagoo leh waxaan ka ilaalinayaan Maxkamadaha Islaamka, “Soomaalida iyaga ayaa is-fahmi kara haddii ay wada hadlaan, mana u baahna in loo dhaxeeyo”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan magaalada Muqdisho heshiis kula galay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka.

“Meles Zenawi waxaa laga rabaa arrimaha Soomaaliya in uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Soomaaliya, xaqna uma lahan in uu inta Ciidamo geeyo yiraahdo, isla markaana uu yiraahdo Maxaakiimta aan kula dagaalamayaa”ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa kale oo uu baaq u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna ka codsaday in aan la qaadin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, isla markaana aan ciidamo loo soo dirin, wuxuuna talo ku soo jeediyay in la taageero oo la xoojiyo wada hadallada u socda, “Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa waxaan leenahay Wadamadii horay Ciidamada loo geeyay ayaaba xal loo la’ yahay, Soomaaliyana uma baahna”ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu dhinaca kale u soo jeediyay Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka in ay iyaguna isu dabacsanaan muujiyaan, isuna aqoonsadaan in ay yihiin awoodo labo ah oo maanta ka jira dalka Soomaaliya, “Maxkamadaha waxaa laga rabaa in ay shirka tagaan oo la wada hadlo, Dowladdana waxaa laga rabaa in ay iyadana Maxkamadaha aqoonsato in ay yihiin awood jirta oo wax ka qabtay 16 sano wixii wax laga qaban waayay”ayuu Shariif Xasan Shiikh Aadan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).