16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dad Mucaawino lala hareer maray oo Banaanbax ka sameeyay Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, November 26, 2006(HOL): Boqolaal Dad ah oo ka mid ah dadkii dhawaan ka barakacay magaalada Beledweyne kadib markii uu Webiga Shabeelle ku fatahay ayaa maanta waxay Banaanbax ka dhigeen Magaalada Beledweyne, iyagoo ka cabanayay Mucaawino lala hareer maray.

Dadkan oo isugu soo baxay  Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa halkaas kula hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Gobolka Hiraan, waxaana loo ballanqaaday in la soo gaarsiin doono Deeqda ay sheegeen in lala hareer maray.

Hay’adaha ICRC, Care, Bisha Cas iyo kuwo kale oo Wadani ah ayaa Dad ka barakacay Magaalada Beledweyne, kuwaasi oo haatan ku sugan Deegaanada Janta-Kuundisho iyo Ceel Jaalle ee Duleedka Magaalada, waxaana deeqdii ugu dambeysay dadkaasi gaarsiisay Hay’adda Care oo maalintii shalay ahayd dadkaasi u qeybisay raashin isugu jiray Galley, Mesego, Saliid, Boorash.

Dhanka kalena waxaa sii kordhaya khasaaraha ay geysanayaan Yaxaasyo ay bananka u soo saareen Fatahaadda Webiga Shabeelle, waxayana Dad iyo Xoolo-ba ku waxyeeleen Tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Gobolka Hiiraan, gaar ahaana Degmada Buulo-Burte.

Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay khasaaraha ka soo gaareen Fatahaadaha Webiga, wuxuuna Guddoomiyaha Degmadaas Aadan Cabdi Maxamed uu sheegay in ay 120 Guri ay biyo maasheen, sidoo kalena ay Beerihii biyo dhex jiifaan, iyadoo aaney ilaa iyo haatanna soo gaarin wax gurmad ah marka laga reebo Hay’adda Care oo ku caawisay Matooro biyaha looga saarayo Deegaanada ay Biyuhu fariistaan.

Ugu dambeyntiina, waxaa jirta cabsi ay muujinayaan Howl-wadeenada Caafimaadka Gobollada ay ku fataheen Webiyadda Jubba iyo Shabeelle ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo sheegaya in ay dadka ay bara-kiciyeen Fatahaadaha ay halis ugu jiraan in ay qaadaan Cudurro ay Malaria-da ugu weyn tahay, haddii aan deg deg dawooyin iyo maro kaneecooyin loola gaarin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).