16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Urur Goboleedka IGAD iyo Maxkamadaha Islaamka oo Jabuuti ku kulmaya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 26,2006(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan Dalka Jabuuti ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay qabaneyso kulan ay isku soo horfariisanayaan Maxkamadaha Islaamka iyo Mas’uuliyiin ka socota Urur Goboleedka IGAD.

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu caddeeyay in uu kulankaasi dhici doono  inta aysan dhamaanin bishan, waxaana kulankaasi looga arinsanayaa sidii loo dhameyn lahaa wax xoogaa mad-madow ah oo ku kala dhexjira Maxkamadaha Islaamka iyo Urur Goboleedka IGAD.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mr. Maxamed Siciid iyo Safiirka Dowladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo dhawaan booqasho ku tegay Magaalada Muqdisho ayaa waxay mas’uuliyiinta Maxkaamdaha Islaamka gaarsiiyeen Martiqaad ku saabsan in ay ka qeybgalaan Kulan ay IGAD qaban qaabineyso oo la isugu soo dhaweynayo Urur Goboleedka IGAD iyo Maxkamadaha Islaamka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Jinaqow ayaa sheegay in ay casuumaaddaas soo gaartay, isla markaana ay ka qeybgelayaan shirka ay IGAD ugu baaqday, isagoo sidoo kalena caddeeyay in ay aqbaleen in ay ku laabtaan Wada Hadalladii Khartoum ee kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ayaa waxay ku kala qeybsan yihiin arrimaha Soomaaliya, qaar ka mid ah dalalkaasi waxay qabaan in ciidamo nabad ilaalin ah oo caawiya loo diro Soomaaliya, halka kuwo kalena ay arrintaas ka soo horjeedaan, waxaana iska cad in ay dalalkaasi la kala safan yihiin Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo isku haya aayo ka talinta Dalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirkan ay qaban qaabineyso Dowladda Jabuuti ayaa la filayaa in lagu masaxo mad-madow ku kala dhex jira Urur Goboleedka IGAD iyo Golaha Maxkamadaha Islaamka oo iyaga wixii ka dambeeyay bishii June ee sanadkan la wareegay gacan ku heynta gobollo badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).