16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo u amba baxya Dalka Nigeria

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 25, 2006(HOL) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu u amba baxay Magaalada Abuja ee dalka Nigeria, halkaasi oo la sheegay in ay kulan ku leeyihiin mas’uuliyiin ka socota dalalka Afrika iyo Koofurta Ameerika.

Ra’iisal Wasaaraha oo ku sii hormaraya magaalada Nairobi ayaa waxaa xubnaha horay u sii raacay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hor intii uusan ka amba bixin magaalada Baydhabo la hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo saakay ka doodayay ansixinta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ayaa wuxuu ka codsaday Mudanayaaasha Baarlamaanka oo tiradoodu gaareysay 149 Mudane in ay ansixiyaan guddigaas, si loo sii amba qaado howlaha Dowladda, isagoo dhinaca kalena mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in ay u duceeyaan si uu guul ugu soo dhamaado safarka ay ugu socdaan Dalka Nigeria.

Dhanka kalena waxaa magaalada Baydhabo lagu xir xiray Wadaado la sheegay in ay ka tirsan yihiin Dariiqada Tabliiqa, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso 18 Wadaad, waxaana lagu soo waramayaa in ay Ciidamada Sirdoonka Dowladda Federaalka su’aalo weydiiyeen kadibna loo taxaabay Xabsiga magaalada Baydhabo. Wadaadadan oo watay gaari Mini Bus ah ayaa la sheegay in ay magaalada Baydhabo ka soo galeen dhinaca Magaalada Nairobi, iyagoo markii la qab-qabanayayna ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).