16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho heshiis ku kala saxiixday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 25, 2006(HOL) Waxaa saakay heshiis 6 qodob ka kooban ku kala saxiixday magaalada Muqdisho Maxkamadaha Islaamka Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo beryahaan Muqdisho ku sugnaa, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxa aka mid ah in la joojiyo wax kasta oo colaad keeni kara inta laga gaarayo shirka ay Dowladda iyo Maxkamadaha ku ballansan yihiin bartamaha bisha soo socota ee December, in la dhowro qodobada heshiiyadii Khartoum I iyo Khartoum II, in ay labada dhinac sameeyaan guddiyo fududeeya dhameystirka heshiis buuxa oo ay labada dhinac wada gaaraan, gaar ahaana is-af-garad laga gaaro siyaasadda, nabadda iyo awood qeybsiga, in Dowladda Itoobiya ay joojiso hadallada hanjabaadaha ah ee dagaal doonka ah, isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, in shir ay ku ballansan yihiin IGAD iyo Maxkamadaha Islaamka la soo de-dejiyo oo laga soo hormariyo Shirka Khartoum, iyadoo Dowladda Kenyana lagu bogaadiyay Heshiiska ay labada dhinac kala saxiixdeen, sidoo kalena waxay labada dhinac ugu baaqeen Beesha Caalamka, gaar ahaana IGAD, AU, ARAB LEAGUE, OIC, EU, USA in ay gacan ka geeystaan fulinta is fahamka golaha maxkamadaha iyo ergada dowladda federaalka, taasoo keeneysa hadii ay beesha caalamka si dhab ah u garab istaagaan in xal loo helo dhibaatada Somalia , ayma abuurmeyso dowlad loo dhan yahay oo hanata awooda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa heshiiska u saxiixay labada dhinac, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka socday labada gole ee Maxkamadaha Islaamka iyo Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo saxiixa heshiiskaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wax kasta oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ay ka heshiin karaa haddii laga dhex baxo, balse waxaa uu sheegay in ay mar kasta ku kala dhex jirto Dadka danaha leh ee dantooda raba in ay ka dhex fushadaan haddii ay ka dhex baxaan waa heshiin karaan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo carrabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku af, dhaqan iyo diin ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isna saxafiyiinta la hadlay ayaa sheegay in ay intii karaankooda ah ku dadaalayaan sidii uu u miro dhali lahaa heshiiska ay la gaareen maxkamadaha islaamka, kaasi oo uu rajeeyay in ay ka soo baxayaan wax Soomaalida dan u ah, isagoo beesha Caalamkana ka codsaday in ay gacan ku siiso sidii loo soo af-jari lahaa dhibaatada dhowr iyo toban sano jirsatay ee dalka Soomaaliya ka taagan.

Kadib markii ay mas’uuliyiinta labada dhinac kala saxiixdeen heshiiska ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka amba baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xubno la socday, kuwaasi oo u baqoolay Dalka Jabuuti oo la sheegay in ay ka heleen martiqaad rasmi ah, waxayna wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray socdaalka Guddoomiyaha baarlamaanka ay sheegayaan in uu Guddoomiyuhu gaaray dalka Jabuuti, isla markaana uu saxiixay Buugga tacsida ee Madaxweynihii hore ee dalkaas marxuum Xaaji Xasan Guuleed Abti-doon oo dhawaan geeriyooday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaano ku fikir ah oo Muqdisho horay u sii joogay ayaa sheegay in ujeedada ay Wada hadallada ula fureen Maxkamadaha Islaamka ay tahay sidii loo baajin lahaa wada hadallo dhexmara Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ay taageereyso Dowladda Itoobiya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomalaiyeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaan iyagu la dhacsaneyn qaabka ay wax u wadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada la socday, waxaana socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Muqdisho ka soo horjeestay Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war-murtiyeed ka soo baxay lagu sheegay in aaney sharci ku dhisneyn Wada hadallada uu Guddoomiyaha Baarlamaanka la furay Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).