16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Fatahaadda Webiga Shabeelle oo ka sii dartay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 25, 2006(HOL) Waxaa ka sii dartay oo khasaare baaxad leh geystay Fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle, waxaana meelihii ugu dambeeyay ee uu khasaaraha ka geystay ka mid ah Degmooyinka Buula-Burte, Afgooye iyo Wanla-Weyn oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay dadku ka barakaceen Xaafadahooda, gaar ahaana Xaafadaha Buundo-yarey, Raqeyle, Baal-guri, Jambaluul, Sagaalaad, Mareereey, Waan-jeel, Aw-gooye iyo Xala-waaley. khasaaraha soo gaaray xaafadahaas ayaa lagu soo waramayaa in ay aad u daran tahay, isla markaana meelaha qaarkood ay soo galeen Yaxaasyadii Webiga ku jiray iyo bahalo kale oo dadka dhibaato u geysanaya.

Khasaaraha kale ee degmada Afgooye soo gaaray waxaa ka mid ah Beero ay ku beernaayeen Dalagyo kala duwan oo isugu jiray Galley iyo Qudaar, kuwaasi oo dadkii beertay ay haatan ka gacmo maran yihiin, isla markaana aysan suurtagal u ahayn in ay beerahoodii lugaha geliyaan.

Guddi 15 xubnood ka kooban ayuu maamulka degmada Afgooye u magacaabay in ay u howlagaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Fatahaadda Webiga Shabeelle, isla markaana xiriir loola sameyn lahaa Hay’adaha Samafalka.

Dhinaca Gobolka Hiiraan-na waxaa lagu soo waramayaa in uu xalay Webiga Shabeelle ku fatahay Degmada Buula-Burte oo xaafado ka mid ah ay biyaha Webiya la tageen ilaa shan caruur ah oo 3 ka mid ah la xaqiijiyay dhimashadooda, waa sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Buulo-Burte Shiikh Xuseen Barre Raage oo ka codsaday Hay’adaha Samafalka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan. Magaalada Buulo Burte ayaan looga baran ay saameyso Fatahaadda Webiga Shabeelle bacdamaa ay magaalada ka sareyso Webiga, waxaana xusid mudan in aysan Magaalada Waxyeelo ka soo gaarin Fatahaadihii Gobolka Hiiraan ku dhuftay Sanadihii 1981-kii iyo 1997-kii.

Dhanka Magaalada Beledweyne haddii aynu soo qaadnana waxaa saakay gargaar la gaarsiiyay Dadkii ka barakacay Magaalada Beledweyne ee deegaanka ka sameystay Halka lagu magacaabo Janta-kuundisho, iyadoo gargaarkaas oo dhan150 tan oo raashin kala ah duwan ahna ay qeybisay Hay’adda Care International oo kaashaneysa Qaar ka mid ah Hay’adaha Wadaniga ah ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).