16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Beesha Ibraahim Ciise oo Duubatay Suldaan Dhaqameed

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco, November 24, 2006(HOL): Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yesheen Oday Dhaqameedyo, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin iyo Dhalinyaro ayaa lagu doortay Suldaan Dhaqameed ay yeelan doonto Beesha Ibraahim Ciise oo ka tirsan Beel-weynta Xawaadle.

 

Maxamuud Siyaad Barqadle oo ku hadlayay magaca shir guddoonka guddiga qaban ayaa sheegay in macnaha kulanka ay isugu yimaadeen uu ahaa sidii ay Beesha Ibraahim Ciise u yeelan lahayd dhaqan guud oo uu guddoomiye u yahay Suldaanka iyo shan nabaddoon oo howshaas la wadeysa.

 

Maxamuud Siyaad Barqadle waxaa uu sheegay in aysan cidna ku xumeyneynin Suldaanka ay duubteen, wuxuuna rajeeyay in lala qaadi doono Suldaanka ay doorteen oo ay si dar Alle ah oo aan dulmi ahayn u doorteen.

 

Suldaanka ay dooratay Beesha Ibraahim Ciise oo lagu magacaabo Xaaji Diiriye Xasan Fiidow Cantoob ayaa isaguna ka hadlay kulankii lagu doortay, wuxuuna sheegay in aan xilka loo dhiibay loogu dooran in uu ugu fiican yahay inta meesha isugu tagtay, wuxuuna kadib u sheegay dadkii doortay haddii aaney la shaqeynin in aysan magacaabistiisa dhaafi doonin Hotelka Ambassador oo uu shirka ka dhacay.

 

“Waxaan idin leeyahay haddii ay run idinka tahay oo aad leedihiin halkee reerka lagu dayaa anigana Xilkaas waan idinka aqbalay, waxaanse idinka baryayaa in aad ila shaqeysaan oo aan idiin duceeyo idinkana aad ii duceysaan”ayuu yiri Suldaan Diiriye Xasan Fiidow oo ah Suldaanka Shanta Yaxye ee Beesha Ibraahim Ciise.

 

Suldaan Diiriye waxaa uu sheegay in xilka loo doortay iyo midka Ugaaska Beesha Xawaadle aysan isa saameyneynin, wuxuuna caddeeyay in uu Beesha Xawaadle Ugaas u yahay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo boqor u ah guud ahaan Beesha Xawaadle.

 

Beesha Ibraahim Ciise ee maanta dooratay Suldaanka ayaa waxay sidoo kale soo magacaaban doontaa shan Oday oo kale oo la shaqeyn doona Suldaanka, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii ay Beesha Ibraahim Ciise wanaag ugula dhaqmi lahayd Beelaha kale ee la dhashay iyo guud ahaan Soomaalida.

 

Kulankii Suldaanka lagu doortay oo ay joogeen dad kor u dhaafayay ilaa 80 ruux ayaa waxaan ka xusi karnaa dadkii ka qeybgalay Maxamuud Siyaad Barqadle, Cusmaan Qafaal Indha-yare, Xaamud Guure Kulmiye, Cali Muumin Muudey, Cilmi Maxamuud Cabdi, Dr. C/llaahi Xasan Raage, Yuusuf Guure Islow, Cabdi Cosoble Xasan, Cusmaan Nuur Jimcaale Gardheere, Faarax Aamin Maalin iyo Maxamed Cali Ganey Buris.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).