16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka iyo Xildhibaano ku sugan Magaalada Muqdisho oo si caro leh uga jawaabay hadalkii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 24, 2006(HOL): Hadalkii shalay ka soo yeeray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ee ahaa in Dowladdiisu ay isu diyaarineyso dagaal ay la gasho maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu keenay in ay jawaab deg deg ah oo caro leh ka bixiyaan Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo Magaalada Muqdisho ku sugan.

 

Guddoomiyaha   Guddiga Fulinta Maxkaamdaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu caddeystay in uu duullaan ku yahay dalka Soomaaliya hayeeshee ay dadka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay iska difaacaan oo ay ku jihaadaan, wuxuuna caddeeyay Shiikh Shariif in waxa uu ku dagaalamayo Meles Zenawi ay yihiin Tigree iyo ciidamo lacag la soo siiyay oo calooshood u shaqeystayaal ah iyo kuwo la soo qasbay.

 

Shiikh Shariif waxaa uu shirkiisa Jaraa’id uga hadlay Dowladda federaalka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay mid aan dowlad lagu tilmaami karin bacdamaa aysan heysan kalsoonida shacabka, inkastoo uu hadana ugu baaqay sida uu u yiri kuwa damiirka wanaagsan leh in ay soo raacaan dadkooda oo markaasina ay ka qeybgalaan Jihaadka.

 

Shiikh Shariif oo shirkiisa Jaraa’id uu qodobadeysnaa waxaa uu ku soo qaaday Dowladda Mareykanka oo uu ku dhaliilay in uu hadal jilicsan ku hadlayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay aaminsan yihiin in ay Itoobiyaanka ka joojin karaan in ay Soomaaliya weeraraan, balse waxauu ku nuuxnuuxsaday in ay u muuqato in Ameerikaanka uu raali uga yahay qorshaha ay Soomaaliya ka damacsan tahay.

 

Sidoo kalena, waxaa uu ka hadlay Doorka Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya, wuxuuna ku dhaliilay beesha Caalamka in aysan dooneyn in ay Soomaaliya nabad iyo xasilooni hesho, wuxuuna taasi tusaale ugu soo qaatay in markii ay isku tashadeen dadka Soomaaliyeed oo ay bilaabeen in ay wax qabsadaan ay Beesha Caalamka noqotay mid wel wel iyo walaac muujisay iyo mid iska aamustay.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed,Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan in ay cadawgaas iska difaacaan, naftooda maalmooda iyo wax walba oo ay heystaana ay ku bixiyaan, isagoo dhinaca kalena Muslimiinta Beesha Caalamka ka codsaday in haddii aysan wax kale u geli karin dadka Soomaaliyeed ay u soo duceeyaan.

 

Sidoo kalena Guddoomiye ku xigeenka koowaad Guddiga Fulinta Maxkaamdaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Jinaqow ayaa Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Jihaad kaga dhawaaqay,wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan in ay hubkooda u soo qaataan difaaca dalka iyo diinta, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aysan u socon Addis Ababa balse meesha ay u socdaan ay tahay Magaalooyinka Baydhabo, Baardheere, Beledweyne, Kismaayo iyo magaalooyin kale oo uu sheegay in ay soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku sugan ayaa isna maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna isagoo ka wakiil ah Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Meles Zenawi ee ahaa in ay dowladdiisa la dagaalameyso Maxkamadaha Islaamka.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi waxaa uu sheegay in ay Saraakiil Itoobiyaan ah oo ciidamadoodii iyo Naagahoodii wata ay joogaan Magaalada Baydhabo, wuxuuna ka xusay saraakiishaas Jen. Abaja iyo nin uu Gabre ku magacaabay oo ka tirsan Sirdoonka Itoobiya, “Ciidamada uu sheegayo Meles Zenawi in ay Maxkamadaha la dagaalamayaan waxaya ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya ee shalay wuxuu kaliya ku dhawaaqay dagaalka, Maxkamaduhu ma jiraan dhibaato ay ku hayaan Itoobiya ee Meles Zenawi wuxuu diidan yahay iftiinka ay shacabka Soomaaliyeed ku midoobaan”ayuu yiri Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in uu dhici dagaal faraha looga gubto oo dhexmara labada shacab ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo weliba u sii gudba Gobolka Geeska Afrika.

 

Haddaba haddii ay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka jawaab ka bixiyeen hadalkii Meles Zenawi maxay xubnaha Dowladda Federaalka ee Baydhabo arrintaas ka leeyihiin, waxaa ka hadlaya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Salaad Cali Jeelle oo difaacay hadalka Meles Zenawi.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in gudaha dalka Itoobiya ay galeen Ciidamo Eretereyaan ah, kuwo Oromo ah iyo Kuwo ka yimid dalal kala duwan oo argagixisinimo ku shaqeeya, sidaas darteedna ay Itoobiya xaq u leedahay in ay is-difaacdo.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in ay wel wel ku hayaan kooxo aanan ka amar qaadan oo dalalka deriska ku kicinaya, wuxuuna caddeeyay in ay dalalka caalamka xiriir wanaagsan la leeyihiin, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii uu dalka Soomaaliya nabad u heli lahaa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ka duulayaan Axdi u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo dhigaya in derisnimo wanaag lagula noolaado dalalka deriska, sidoo kalena dhibaatada Soomaaliya lagu dhameeyo qaab dib u heshiisiineed.

 

Hadalka ka soo yeeray Meles Zenawi ayaa waxaa ka horeeyay mid ay sii deysay Jendayi Frazer oo Mareykanka u qaabilsan Kaaliyaha Arrimaha Dibadda Africa, kaasi oo ahaa in Maxkamadaha Islaamka ay isku ballaarinayaan dalka Soomaaliya, kadibna ay doonayaan inay u soo gudbaan Waqooyi Bari Kenya, Ogaadeeniya, Jabuuti iyo Somaliland, waxayna intaas ku dartay in rag wax ka qorsheeyay qaraxyo loo geystay safaarado uu Mareykanku ku lahaa dalka Kenya iyo Tanzania ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

 

Jendayi Frazer waxay sheegtay in ay ku jiraan Maxkamadaha Islaamka rag macquul ah oo xiriir la sameyn karaan, waxayna xustay in uu raggaasi ka mid yahay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed balse waxay meesha ka saartay in uu xiriir dhexmari karo Kooxaha Shabaab iyo Mujaahidiin oo ay ku eedeysay in ay ka dambeeyeen dilka Sooradii Talyaaniga u dhalatay ee ka shaqeyneysay Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho.

 

Laakin waxaa hadalkaas jawaab ka bixiyay Xoghayaha arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof Ibraahim Xasan Caddow oo sheegay in hadalka ka soo yeeray Haweeneydaas uu yahay mid aan xitaa wax yar ka duwaneyn hadalkii Meles Zenawi oo  adduunka laga iibiyay, kaasi oo looga dan lahaa in lagu qariyo in laga hadlo dhibka dalka Soomaaliya ka jira, wuxuuna caddeeyay in aysan Maxkamadaha Islaamka cidna ku duulin, haatanna aysan jirin cid ay weerar ku yihiin.

 

Si kastaba arrinta ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in markan uu sii dhamaanayo hadalkii hanjabaadaha ahaa ee ay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya isu jeedinayeen, isla markaana aan laga fursan doonin in gacmaha la isula tago, iyadoo dhinaca kalena ay xusid mudan tahay in ay gobollo ka tirsan Dalka Soomaaliya ku dhibaateysan yihiin dad ay bara-kiciyeen Fatahaado ka yimid Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).