16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Aqoonyahannada ku takhasusay Cilmiga Shimbiraha maxay ka yiraahdeen Shimbirihii Croatia ka yimid ee ku dhintay Tuulada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe?

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, November 23, 2006(HOL): Haddaba markii aynu warkan ku saabsan Shimbiraha aynu ku soo bandhignay Website-kan Hiiraan Online ayaa xiriiro nala soo sameeyay aqoonyahanno badan oo isugu jira dhaqaatiir dhinaca Xoolaha ku takhasusay iyo kuwo aqoon u leh Cilmiga Shimbiraha, waxaana ka mid ah Aqoonyahannadaas C/qaadir Abuu oo sheegay in uu bartay Cilmiga Shimbiraha wuxuuna ka waramayaa xog badan oo uu ka hayo Shimbiraha iyo sida ay Qaaradaha Adduunyada isaga kala gooshaan.

 

Aad baad ugu mahadsan tihiin warka ku saabsanaa Shimbiraha lagu arkay Tuulada Ceel Baraf ee Sh/dhexe ee aad ku soo qorteen websiteka hiiraan.com.  Walaalayaal, waxaan jeclaan lahaa in dadkayna loo sheego in shimbiraha ay iskaga gooshaan ama ay u guuraan qaaradaha aduunka oo dhan. Wax dhib ahna ma wataan ee dabeecada (behaviour) Allah ku abuuray.

 

Shimbiraha way noocya badan yihiin, waxayna u kala qeybsamaan jisniya (Order) badan iyo family, species, sub-species, etc. Shimbiraha dalkayna ku nool waxay u kala guuraan qaaradda Africa dhexdeeda gaar ahaan kuwa yar-yar sida shimbiraha dalaga beeraha dhibaatada u gaysta, waxay sanadkii ilaa laba jeer u guuraan ilaa gobolada Afrikada dhexe iyo inta ka hooseysa Sharaha (Sub-Sharan Africa). Kuwa kalena oo noocya badan oo ay ka mid yihiin Shriks (magaca Af-Soomaaliga kuma garanayo) ayagana waxay u guuraan ilaa wadamada ku yaala Bada Mediterenean (Bada Cad) ee koonfurta Europe.

 

Halka  Shibiraha waaweyn sida kuwa la eg Boolaboolada ay u guuraan ilaa wadamada Scandanevianka fog, iyo meelo ka mid aha wadamamada qaarada Asiya. Shimbiraha sababaha ay u guuraan waxa weye ayaga oo raadinyaan meel cimiladeeda wanaagsan oo ay ku dhalaan, iyo meelo ay ka heli karaan caws iyo miro ku filan noloshooda iyo qeyb ay ku dhisan karaan buulasha ay ku dhalayaan (nests).

 

Shimbiraha badankooda qorshahooda wuu u degsan yahay ee waa mid joogta ah, meelna degaan bay ka dhigtaan xilliga aan dhalmada jirin (Roosts), meelna way ku dhalaan sanad kasta (breeding colonies). Shimbiraha dalkayna ku dhalaan way fara badan yihiin inkasta oo weli la samayn cilmi baaris dhab ah, haddana macluumaadka yar ee la heli karo waxaa ay sheegayaan in ay ku dhalaan Xaafuun, xeebaha koonfurta gobolada Mudug iyo Galgaduud. Ilaa saddex nooc oo Europe ka soo duulaana macluumaadka yar ee laga hayo waxay sheegayaan in ay ku dhalaan xeebta u dhaxaysa Dhanaane (Sh/Hoose) ilaa Xalane (Banadir), gaar ahaan meesha loo yaqaano Abaay Dhaxan iyo Jaziira, qaar kalena waxay ku dhalaan xeebta u dhaxaysa Turdho (J/Hoose) ilaa Baraawe (Sh/Hoose).  Aduunyada oo dhan, gaar ahaan Jaamacadaha ( nstitutions for Avian Researches) ayaa ku hawlan cilmi baaris dheer ee lagu sameynayo shimbiraha aduunka sida ay dhaqmaan, waxay cunaan, noloshooda , dhalmadooda sdia ay u guuraan (Migration of Birds).

 

Marka la rabo in la ogaado guuritaanka shimbiraha iyo meelaha ay gaari karaan waxaa la sameeya waxa loo yaqaano (Ring marking), oo lagu qorayo shimbirta magaceeda, jinsigeeda (lab/Dheddig), taariikhda la qabtay, meesha laga soo calaamadeeyey iyo qofka soo calaamadeeyey ama hay’adda soo calaamadeysay.

 

Qofkii arkana waxaa laga doonaya in uu u wargeliyo shimbirtaas iyo meesha uu ku qabta hay’addii soo calaamadaysay. Waa cilmi baaris aduunka oo dhan ka dhaxaysa. Anaga waxaanu rajeyneynaa in sidaasi oo kale cilmi baaris u sameyna mustaqbalka dhow haddii Allah idmo.

 

Shimbiraha haadan lagu arkay tuulada Ceel Baraf waa qeyb ka mid ah cilmi baaristaasi ee waxaan filaya in ayna ahayn kuwa cuduro wata. Sababaha ay u dhinteena Allah ayaa og, laakiin waxaan u malaynaya in duulimaadka dheer awgiisa ay dhimashadaasi keeni karto, weli waxaa hubaal ah in qaar kale ay ku soo dhinteen inta ay duulimaadka ku soo jireen. Shimbiraha marka ay duulimaad soo galyaana way isa soo naaxiyaan, waxay isticmaalaan dufunta jirkooda ku jirta inta duulimaadka ay ku jiraan, marka ay soo gaaraan meeshii u socdeena culays (miisaan) badan oo jirkooda ah ayey lumiyaan ama qaarbaa tabar dari awgeeda u dhintaan.

 

Shimbiraha waxaa laga yaabaa in meelo kale oo ka mid ah Jaziirooyinka Badweynta Hindiya (Indian Ocean) sida Sycheles, Muritious iyo Madagscar Islands. Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u sheegaya in ay wax dhibaato cuduro ah ayna wadanin shimbiraha, waxay ka mid yihiin qeyb ka mid ah deegaanka dabiiciga (environmental ecosystem), anaga ayaa u baahan shimbiraha in ay inoo ilaaliyaan deegaankayna (environmental conservation), waana run sida dhakhaatiirta gobolka Sh/dhexe idin sheegeen wax dhib ah ama cuduro ay wataan shimbirahan ma jiraan ee keliya waxay ka soo duuleen meel aad u fog oo ka tirsan Europe. Waxaad kale ee aad ogaataan in Shimbiraha ay duulaan qaarkooda 50-120 km halka kuwa waaweyna 450-500 km oo joogsi la’aan ah. Bal ka waran duulimaad noocaas ah maxaa shimbiraha kala kulmi karaan?.



Shimbiro ka yimid Croation oo Somalia ku dhintay

Abdulkadir Abuu

Aqoonyahan ku takhasusay Cilmiga Shimbiraha
email: nuurabu@yahoo.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).