16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo iska diiday in ay dhowr bilood fasaxayaan Qaadka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 23, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka oo dhawaan Wareegto ka soo saaray Qaadka ayaa wuxuu ku sii adkeystay in ay shaqeyneyso wareegtadaas, isla markaana ay kutiri-kuteen yihiin warar sheegaya in ay Maxkamadaha Islaamka doonayaan in ay qafiifiyaan mamnuucidda Qaadka.

 

Xoghayaha Wafaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudey ayaa sheegay in ay wararkaasi suuqa gashadeen ganacsatadii Qaadka ka ganacsan jiray, wuxuuna caddeeyay in Qaadka uu Mukhadaraad iyo Xaaraan yahay, sidaas darteedna aysan jirin sabab loo fasaxo, “Ciddii ay lacag kaga maqan tahay oo shey xaaraan ah lacagteeda iska gelisay waa jeebkeeda laakin annagu waxaan sheegeynaa in Qaadka uu yahay sidii loo mamnuucay, ciddii lagu helana la marsiin doono xukunkii laga soo saaray.

 

Muqdisho oo muddo todobaad ah aan wax qaad ah si muuqata loo soo galin waxaa weli lagu arkayaa Kabarradii Qaadka Rag iyo Haween Qaadka ka ganacsan jiray, kuwaasi oo marka aad weydiiso sababta ay meesha u fadhiyaan kuu sheegaya in ay ku gaadayaan dad ay lacag lahaayeen, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in meesha ay ku kala war qaataan ganacsatada oo si qarsoodi ah Qaadka ku keensada iyo Dadkii Qaadka cuni jiray.

 

Hadalkan ku saabsan in Maxkamadaha ay muddo ilaa afar bilood ah xayiraadda ka qaadayaan Qaadka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay muddo labo bilood ah u dhamaatay ganacsato Dhuxusha dhoofin jiray, kuwaasi oo ay Maxkamadaha Islaamka siiyeen muddo labo bilood ah si ay u dhooftaan dhuxusha shidan ee u taala, waxayna dabcan Qaadleyda islahaayeen armaa sidaas oo kale dhowr bilood oo fasax ah ka heshaan Maxkamadaha.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).