Khamiis, November 23, 2006(HOL): Boqolaal Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa in ay habeenkii xalay ahaa ilaalinayeen waddooyin muhiim ah oo gala Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Yuusuf Kheyrre oo ka mid ah Dadka Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa sheegay in ay ciidamo dhan ilaa 200 oo Itoobiyaan ah ay ilaalo ka hayeen Waddooyin muhiim ah oo
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dowladda Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore waxay beeniyeen in ay ciidamo Itoobiyaan ah joogaan dalka Soomaaliya, marka laga reebo in uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu qirtay in ay tababarayaal Mileteri Soomaaliya ka joogaan.
Haddaba markii uu soo baxay warkan ku saabsan in ay Ciidamo Itoobiyaan ah xalay ilaalo ka hayeen Waddooyinka Gobolka Bay ayay Idaacadda BBCda Laanteeda Focus Of Africa wax ka weydiisay Ambassador Suleiman Abebe oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, wuxuuna Mr. Abebe sheegay in aysan ciidamo ka joogin dalka Soomaaliya, wuxuuna faafinta warkaas ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka oo sida uu yiri ku qarinaya in ay argagixiso joogto, sidoo kalena ku marmarsiyoonaya in ay dhibaatada oo dhan ay ka mas’uul tahay dowladda Itoobiya.
Suleiman Abebe waxaa kale oo uu sheegay in haddii la soo weeraro madax banaanida iyo Itoobiya ay xaq u leedahay Itoobiya in ay is-difaacdo, wuxuuna intaas ku daray in uu Maxkamadaha Islaamka ka tirsan yahay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sida uu yiri horay u ahaa Guddoomiyaha Ururkii Al-Itixaad Al-Islaamiya, waanse eegi doonaa sida ay wax noqdaan ayuu yiri Suleiman Abebe oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online