Khamiis, November 23, 2006(HOL): Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Mareykanka oo lagu magacaabo Tom Casey ayaa sheegay in Dowladdiisa ay soo dhaweyneyso fikaradda ciidamo nabad ilaalin ah loogu dirayo dalka Soomaaliya, waase haddii buu yiri ay xaaladda wax ka bedelayaan.
Afhayeenka waxaa uu intaas ku daray in ay Qaramada Midoobay ka socdaan wada hadallo arrintaas laga leeyahay, isagoo intaas ku daray in Hindisaha Ciidamo u dirista Soomaaliya uu horay u soo gudbiyay Midowga Afrika.
Hayeeshee Tom Casey waxaa uu sheegay in Dowladdiisa ay si weyn u daneyneyso in ay aragto Soomaaliya oo xasiloon, dagaallo aysan ka jirin, isla markaana ay ka jirto dowlad shaqeyneysa.
Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa ku sii daray in markii ugu horeysay ay arrinta ciidamo u dirista ka timid IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, wuxuuse caddeeyay in uusan jirin qorshe ciidamo loogu dirayo Soomaaliya, marka laga reebo in ay wada hadallo arrintaas ku saabsan socdaan.
Hadalkan ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Khubarro ka tirsan Midowga Yurub oo Brussels shir ku yeeshay ay sheegeen in Dowladda Mareykanka uu u ololeynayo in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, si ay u sahlanaato in ciidamo loo diro Soomaaliya, waxayna khubarradu sii saadaaliyeen haddii ay taasi dhacdo in ay keeni karto dhibaato ka dhacda gobolka geeska Afrika.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Dalalka IGAD ee la doonayo in ay ciidamo nabad ilaalin ah u diraan dalka Soomaaliya ayaan qudhooda isku raacsaneyn in ciidamo loo diro Soomaaliya, waxaana ilaa iyo haatan caddeystay in ay Ciidamo dirayaan Dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Uganda, halka dowladaha Jabuuti, Kenya iyo Eretrea aysan la dhacsaneyn Ciidamo loo diro Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online