13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo eedeyn u jeediyay Hay’adaha Samafalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 22,2006(HOL): Afhayeenka Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa eedeyn u jeediyay Hay’adaha Samafalka oo uu ku dhaliilay in aysan si daacad ah ugu gurmaneynin dadka sida uu yiri Geedaha saaran ee ku barakacay Fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee dalka Soomaaliya.

Shiikh Nuur Baaruud waxaa uu sheegay in Hay’adaha Samafalka oo ay la kulmeen isla markaana ay u sheegeen xaddiga dhibaatada Fataahadaha ay wadaan sida uu hadalka u dhigay iska daba wareeg iyo sahan aan dhamaad lahayn, isagoo intaas ku daray in Hay’adaha loo xaqiijiyay in ammaankooda la sugayo haddii ay markii hore dhihi jireen arrimo ammaan darro ay u howlgeli la’nahay.

Shiikh Nuur Baaruud waxaa kale oo uu ka hadlay kaalmooyin uu Guddigooda Gurmadka Fatahaadaha uu gaarsiiyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna caddeeyay in ay labo doomood iyo ilaa 400 Jawaab oo Timir ah ay u qeybiyeen dad ay waxyeelo ka soo gaartay Fatahaadda Webiga Shabeelle, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in ay gurmadkaas gaarsiiyeen Tuulooyinka Mukay-dheere, Jameeco Misra iyo Far-Barako.

Shiikh Baaruud waxaa uu rajo ka muujiyay in ay si dhaqsi leh ku soo gaari doonto lacag ka badan 300 Kun oo Doollar oo ay dadka Soomaaliya ee ku dhaqan dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa ugu deeqeen  dadka ku barakacay Fatahaadaha oo ku sugan ilaa 6 gobol oo dalka Soomaaliya ka tirsan.

Hay’ado Wadani ah oo u badan shirkado Xawaalado ayaa waxay gargaar gaarsiiyeen deegaano ay ku nool yihiin dad ku barakacay Fatahaadaha, waxaana shirkadahaas ka mid ah Amaana oo Magaalada Beledweyne ku qeybisay Raashinka iyo qalab kale oo looga gaashaanto roobka iyo kaneecada. waxaana xusid mudan in aysan weli wax dhaqdhaqaaq ah bilaabin Hay’adihii Samafalka caalamiga ahaa marka laga reebo in ay shaaciyeen in ay howlgallo bilaabi doonaan.

Ugu dambeyntiina Dadka ku dhow deegaanada ay Webiyadu ku fataheen ayaa waxay ku khatar ugu jiraan in ay qaadaan cudurro ay ka mid yihiin Malaria-da iyo Shubanka bacdamaa ay joogaan meelo biyo baxo ah, meelaha qaarkoodna ay isku furmeen musqulaha iyo waraha ay dadka biyaha ka cabaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).