Arbaco, November 22, 2006(HOL Tan iyo markii ay biyuhu ku fataheen Magaalada B/weyn ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan waxaa si is-daba joog ah deegaano cusub uga sameysanayay halka lagu magacaabo Jante-guunisho Qoysas ay barakiciyeen biyaha iyo waliba kuwo u adkeysan waayay dhabaatada caafimaad ee ka dhalan karta biyaha wali magaalada dhax fadhiya.
Qoysaska oo markii ay dibada uga baxeen magaalada noqday kuwo isku daruuf iyo waliba nolol ah maadaama hoosta laga wada fadhiyo Guryo caan ku ah bacaha ay bixiyaan hay’adaha samafalka ayaa hada la
Sida uu sheegay Madax hay’adda Bisha Cas ee Gobalka Hiiraan Axmed C/dule Guure Ing.Gacamey waxaa gar gaar la gaar siiyay 55% dadkii ka bara kacay Gudaha magaalada kuwaasoo lagu tixgalinaya sida uu sheegay hadba daruufaha ay ku nool yihiin, waxaana uu sheegay Ing, Gacamey in gar gaarka la bixiyay ay iska kaashadeen inta badan hay’adaha ka howl-gala Gobalka.
Deeqda Ilaa hadda la gaarsiiyay dadka deegaanka ka dhigtay Janta-guuntisho oo ah mid u badan Bacaha Roobka laga galo, iyo waliba Maro kaneecoyin, ayaa hadana waxaan meesha ka marneyn in ay jiraan noocyo kala duwan oo gargaar ah oo loo qeybiyay Qoysaska soo barakacay, sida Raashin Qalalan, saliid iyo waliba Maacuun, oo dhamaantood marka laysku geeyo la oran karo waa kuwo si weyn loogu baahnaa.
Laakiin marka dhanka kale la eego gargaarka hada la helay waxaa la oran karaa ma ahan mid lagu haleyn karo Qoysaska, waayo waxaan cadeyn sida loogu soo laaban karo gudaha magaalada Bilaha soo socda daruufo loo badin karo dhinaca caafimaadka, taasoo muujineysa sida mar walba lagama maarmaanka ay u tahay gacan loo fidiyo dadka hoygooda ka maqan.
Janta-kuudisho waxaa ay magaalada B/weyn u jirtaa ilaa 7km waana koontaroolkii hore ee Magaalada B/weyn xiligii Nidaamkii Malatariga, waa goob ku haboon in la dago waayo waa meel dhulka ka sareysa isla markaana aysan suurtagal aheyn Fatahaadyadu saameeyaan, muuqaal ahaana waa meel Indhahaaga soo jiidaneysa buuruhuna ku wareegsan yihiin, laakiin marka aad dadka la sheekeysato waxaa ay kuu sheegayaan in sababta kaliya ee aan loo dagi karin in ay tahay meel habeenkiina qabow maalintiina si weyn u kulul, laakiin mar walba arintaas waxaa ka daran dhibaatada dadka ka heysta biyaha magaalada .
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online