13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Danjire Francois Fall oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka ballanqaaday in ay ku laabaneyso Wada Hadalladii Khartoum

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 22, 2006(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonsey Fall ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka ballanqaaday in ay ku laabaneyso wada hadalladii kala dhaxeeyay Maxkamadaha Isalaamka.

 

Ambassador Fall waxaa uu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo uu Baydhabo ku soo arkay ay u xaqiijiyeen in ay Dowladda ka qeybgeleyso wada hadallada, wuxuuna intaas ku daray in ay sidoo kale labadaas mas’uul u sheegeen in ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan Baydhabo ku soo dhaweynayaan haddiiba uu dib ugu soo laabanayo.

 

Dowladda Federaaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaan waxay ku soo kala tageen Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, halkaasi oo uu uga furmi lahaa wejiga seddexaad ee wada hadallo u socday, waxayna sababta ugu weyn oo ay wada hadallada u furmi waayeen ay ahayd iyadoo labada dhinacba ay shuruudo ad-adag isku xireen, shuruudahaasoo ay ka mid ahaayeen in dalka laga saaro ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay iyo in shir guddoonka shirka laga saaro Dowladda Kenya oo gadaal looga soo daray.

 

Warkan oo lagu qoray Bogga http://www.un.org ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Ergayga uu ku guubaabiyay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka in awoodda Hay’adaha Dastuuriga ah ay ku xiran tahay sida ay isugu xiran yihiin oo ay u mideysan yihiin, isagoo ka digay in  kala tag iyo tafaraaruq wax lagu raadiyo.

 

Ambassador Fall oo dhowr jeer oo hore booqday Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo ay kala fadhiyaan Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka waxaa socdaalkiisii ugu dambeeyay ee uu Baydhabo ku tegay ku wehlinayay xubno ka socday Beesha Caalamka iyo kuwo kale oo iyana metelayay Kooxda Xiriirka Soomaalida, kuwaasi oo sanadkan loo magacaabay sidii ay u caawin lahaayeen geedi socodka nabad-raadinta Soomaaliya.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).