Talaado, November 21, 2006(HOL): Ku xigeenka madaxa difaaca Maxkamadaha Islaamka Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa shaaca ka qaaday in ay dagaalameen dad ka soo jeeda deegaanka Iidaale ee gobolka Bay iyo Ciidamada Itoobiya ee deegaanadaas ku sugan.
Shiikh Mukhtaar waxaa uu sheegay in halkaas khasaare loogu geystay ciidamada Itoobiya, isla markaana gaadiidkii ay wateen mid ka mid ah laga gubay, isagoo caddeeyay in ay diyaarad Baydhabo imaan doonta ay qaadi doonto meydka iyo dhaawaca Askar Itoobiyaan ah oo ay waxyeello u geysteen dad ka soo jeeda gobolka Bay.
Maalintii shalay ahayd ayuu sheegay Shiikh Mukhtaar in uu sidoo kale dagaal ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo kuwo ka soo jeeda deegaanka Qansax Oomane ee Gobolka Bay, iyadoo horayna ay u jireen warar kale oo sheegayay in labo gaari looga gubay Ciidamada Itoobiya deegaanka Berdaalke oo isla gobolka Bay ka tirsan.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Itoobiya oo xaqiijinaya inuu jiro khasaaraha loo geystay, marka laga reebo wararka laga helayo dhinaca Maxkamadaha Islaamka oo iyagu si weyn uga soo horjeeda Ciidamada Itoobiya ee la sheegay in dalka Soomaaliya ay joogaan.
Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa horay ugu baaqay in lagu jihaado Ciidamada Itoobiya meel kasta oo ay ka joogaan dalka Soomaaliya, wuxuuna Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay banaanbax Jihaadka looga dhawaaqayay oo ka dhacay Muqdisho ku sheegay in ay dadka Soomaaliyeed ka fogaadaan deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya oo uu sheegay in dagaal lagu bilaabi doono.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online