Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka
Lacagtaa deeqda ah oo dhan US$6000 oo ay soo aruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ayaga oo kaga jawaabayeen dhibaatada ku habsatay walaalohooda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hiiraan gaara ahaan magaalada Beled Weyne oo la soo sheegay in ay dhammaanteed biyo wada harreeyeen.
Deeqdan lacag aruurinta ayaa wali ka socoto magaalada
Abdirahman Sh. Yusuf (Cirro) oo ku hadlayo magaca Guddiga Deeq Aruurinta ayaa si gaar ah ugu mahadcelinayo dhammaan shaqsiyaadkii ka qaybqaatay gargaarkan deg-deg ah gaar ahaan goobaha ganacsiyada kala ah :: SHAFI FOOD, HASHI FOOD MARKET, JUBBA FOOD MARKET iyo XAWAALADAHA AMAL, AMAANA iyo DAHABSHIIL.
Waxaa Sidoo kale maanta laga diray magaalada Toronto ee dalka Canada, deeq DAAWO ah oo isugu jirta daawooyinka biyaha ka dila jeermiska, antibiyootiko kala nooc ah, daawada shubanka iyo daawooyin kale.
Mr. R. Singh ayaa guddoonsiiyey Wakiilka ururka Somali Self-Help Group, Mr. Saciid Faarax Ducaale iyo xubno kale ee ka socda bulshada oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Faramadoobe iyo C/qaadir Khaliif Dirie.
Waxay mahad gaar ah u soo jeediyeen Mr. R. Singh iyo dhammaan intii gacan ka geysatay deeqdan DAAWADA oo wax weyn ka tiridoonta caafimaad darada ka taagan gobolka Hiiraan. Waxaana magaalada Toronto ka bilaawday deeq lacag aruurin oo loogu gargaarayo dadka dhibaatada ka soo gaartay fatahaada labada wabi.
Sida uu soo sheegay wariyaha Hiiraan Online u jooga magaalada Beledweyn, Mr. C/llahi Diini, waxaa biyo darteed uga baxay 95% dadka ku noolaa magaalada ka dib markii roobaba laxaad ku soo hoobteen wabiga Shabeele.
Guud ahaan koofurta Soomaaliya waxaa lagu qayaasay in dad gaaraya labo Malyoon (2 Million) ay fatahaadan ku soo barakaceen.
Wararkii ugu dambeeyey ee fatahaadda labada wabi ayaa sheegaya inta u dhaxeysa magaalooyinka Jilib iyo Baardheer ay biyo fadhiyaan. Dadkii halkaas ku noolayna ay geedaha dushooda saaranyihiin. Waxayna halis u yihiin in ay halkaas gaajo ugu dhintaan haddaanan loo soo ciidamin.