Isniin, November 20, 2006(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu kulan kala qeybgalay in ay ka shaqeeyaan sidii loo sii wadi lahaa wada hadalladii u socday Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Francois Fall oo hoggaaminayay wafdi ka socday wakiillada Beesha Caalamka ayaa ujeedada socdaalkiisa Baydhabo lagu sheegay sidii uu mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka u soo gaarsiin lahaa farriin uu uga siday Kofi Annan iyo weliba sidii uu u qiimeyn lahaa xaaladda ay ku sugan yihiin Golayaasha Dowladda oo ay midnimadooda ka wel welsaneyd Qaramada Midoobay.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu kadib kulan la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre, waxayna isla soo qaadeen in la adkeeyo wada shaqeynta Golayaasha Dowladda, sidoo kalena ay Dowladda Federaalka ogolaato in ay dib ugu laabato Wada Hadalladii Khartoum ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka haday kulan ay Xarunta ADC-da ku yeesheen 145 Mudane ayaa ku dhaliilay Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalkii iyo Hay’adihii taakuleyn jiray dowladda Federaalka in ay taageeradooda gaabiyeen, wuxuuna ka codsaday Beesha Caalamka in ay sii laba-laabaan taageerada ay u fidiyaan Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia