Isniin, November 20, 2006(HOL): Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho oo soo xiganeysay Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka ee Gobollada Dhexe Maxamed Maxamuud Cagaweyne ayaa shaaca ka qaaday in uu Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo uu maleeshiyooyin ku dalabaday Guddoomiyihii Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan Shiikh Axmed Macallin Yuusuf oo isna socdaal ku tegay Magaalada Gaalkacyo.
Maxamed Maxamuud Cagaweyne waxaa uu sheegay in Maleeshiyooyin hubeysan oo ka amar qaadanayay Col. Cabdi Qeybdiid ay weerar ku qaadeen Shiikh Axmed Macallin Yuusuf, wuxuuna caddeeyay isku daygii Shiikha lagu dili rabay ay ku dhaawacmeen labo ruux oo mid uu dhaawac culus yahay. Cagaweyne waxaa uu intaas ku daray in Shiikh Axmed uu isaga soo tegay Magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu haatan ku sugan yahay Degmada Cadaado, iyadoo magaalada Gaalkacyo-na ay isku hor fadhiyaan Maleeshiyooyin ku heyb ah Shiikha iyo kuwii Cabdi Qeybdiid.
Dhanka kalena Maxamed Maxamuud Cagaweyne waxaa uu sheegay in ay Ciidamo iyo Gaadiid Tikniko ah ka soo baxsadeen Cabdi Qeybdiid, wuxuuna caddeeyay in ay ciidamadaas oo sida uu yiri iskood u go’aansaday in ay Maxkamadaha Islaamka ku biiraan ay haatan ku sugan yihiin Degmada Cadaado. Horayna Col.Cabdi Qeybdiid ayaa beeniyay in ay jiraan Ciidamo ka baxsaday oo u galay Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia