13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxaa ka jira in Dadka Deegaanka Berdaale ay Ciidamo Itoobiyaan ah dileen, Gaadiid Dagaalna ka gubeen?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 20, 2006 (HOL): Warkan ku saabsan in ay dadka Deegaanka Berdaale ee Gobolka Bay ay dileen ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan, isla markaana ay gubeen Gaadiid dagaal oo ay wateen ayaa waxaa sii daayay Maxkamadaha Islaamka ee saldhiggoodu yahay Magaalada Muqdisho.

Shiikh C/raxiin Cali Muudeey oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Warfaafinta ayaa sheegay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay deegaanka Berdaale 50 ruux laga dilay, sidoo kalena laga gubay labo gaari oo kuwa dagaalka ah, halka labo kalena ay rogmadeen oo dagaalka ka dhex bilowday ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Deegaanka.

Shiikh C/raxiin waxaa uu intaas ku daray in warkaas ay soo gaarsiiyeen Dad ay ku kalsoon yihiin oo Deegaankaas ku sugan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadka Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ay kaceen, isla markaana ay u diyaargaroobeen in ay la dagaalamaan sida uu u yiri Ciidamada Tigree-ga.

Laakin waxaa Warka uu sheegay Shiikh C/raxiin beeniyay Wasiirka ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo la iska abuuray, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Maxkamadaha uga dan leeyihiin in ay 24ka saac afka isaga hayaan sheegitaanka Ciidamada Itoobiya.

Wasiir ku xigeenka waxaa uu intaas ku daray in Maxkamadaha looga baahan yahay in ay caddeeyaan cidda ay warkaas ka soo xigteen isla markaana aysan dhihin dad aan ku kalsoonnahay ayaan ka soo xiganay, wuxuuna dhinaca kalena tilmaamay in waxa jooga Soomaaliya ee Ciidamada Itoobiya la leeyihiin sida uu hadalka u dhigay ay yihiin Tababarayaal ay Dowladda Federaalka ka warqabto.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka madax banaan labada dhinac ee xafiltanka siyaasadeed uu dhaxeeyo, kuwaasi oo xaqiijin kara warkan ku saabsan in Ciidamo Itoobiyaan ah lagu weeraray Deegaanka Berdaale, inkastoo ugu dambeynta ay soo bixi doonto xaqiiqada dhabta ah iyo cidda labada dhinac runta sheegeysa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).