Isniin, November 20, 2006 (HOL): Maxkamadaha Islaamka ee ka taliya Magaalada Muqdisho iyo deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu dhamaaday Bandowgii lagu soo rogay Magaalada Muqdisho dhowr maalmood ka hor.
Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudeey ayaa sheegay in Bandowgaas la qaaday, dadkana ay socon karaan xiligii ay doonaan, halka habeenadii aynu ka soo gudubnay uu socodka dadka habeenkii ku ekaa 9-ka fiidnimo.
Bandowgaas ayay Maxkamadaha Islaamka ku soo rogeen Magaalada Muqdisho kadib markii laga baqay in ay rabsho nabadgelyo darro wata ay sameeyaan ganacsatadii Qaadka laga joojiyay iyo weliba qaar ka mid ah dadkii Qaadka cuni jiray, kuwaasi oo Muqdisho ka sameeyay banaanbax rabsho watay.
Shiikh C/raxiin Cali Muudeey waxaa uu sheegay in Bandowga uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka, haatana la ogaaday in xaaladdu degan tahay, wuxuuse caddeeyay in ay Ciidamada Maxkamadaha sidooda u sii wadan doonaan Roondooyinka ay sameynayaan ee ay Amniga ku sugayaan.
Habeennadii uu Bandowga saarnaa Magaalada Muqdisho ayaa la arkayay Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo wareegaya Waddooyinka Muqdisho, isla markaana qabanaya dadka jebiya amarka Bandowga, waxayna taasi keentay in ay dadka guryahooda galaan ka hor 9-ka Fiidnimo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia