13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo u sheegay Hay’adaha iyo NGO-yada ka howlgala Deegaanada ay ka taliyaan in lala soconayo howlaha ay qabanayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 02, 2006(HOL): Kulan ka dhacay Hotelka Nabadda ee magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka iyo madaxda 120 hay’adood  oo ka howlgala deegaanada ay Maxkamadaha ka taliyaan ayaa looga dooday sidii ay labada dhinac wada shaqeyn ku yeelan lahaayeen.

 

Kulankan ayaa wuxuu daba socday baaq ay Maxkamadaha Islaamka u jeediyeen Hay’adaha iyo NGO-yada ka howlgala Muqdisho iyo deegaanada ay Maxkamadaha ka taliyaan, kaasi oo ahaa in ay Hay’adaha iska diiwaangeliyaan xafiis Maxkamadaha u qaabilsan dhinaca arrimaha bulshada iyo Xiriirka Gobollada.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Jinaqow ayaa sheegay in ujeedkoodu uusan ahayn in hay’adaha shaqada laga joojinayo, balse ay doonayaan in ay wax ka ogaadaana howlaha ay qabtaan iyo waxa mashaariic la wado, isagoo mas’uuliyiinta hay’adana u sheegay in aysan u muuqan kuwo wax la dhuumanaya.

 

Shariif Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii dhinaca Hay’adaha ka socday oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay wax xooggaa sharaxaad u baahan yihiin qodobo ay Maxkamadaha soo hordhigeen, gaar ahaan qodobo sheegaya in aaney hay’adaha faraha la gelin wax siyaasad ah, sidoo kalena aaney hay’adaha fulin wax qorshe ah oo aysan ogeyn ama uusan soo ansixin xafiiska qorsheynta maxkamadaha Islaamka.

 

Laakin Shiikh C/raxmaan Jinaqow oo qodobada mugdiga laga sheegay sharaxayay ayaa sheegay in aysan maxkamaduhu diidaneyn adeegyada ay Hay’adaha hayaan, wuxuuna u xaqiijiyay in aysan taasi cabsi ka qabin.

 

Shiikh C/raxmaan waxaa uu ku dhaliilay mas’uuliyiinta Hay’adihii ay la kulmeen inay aad u tiro badan yihiin, hadana aysan jirin hay’ad sheegi karta wax muuqda oo ay bulshada u qabatay, gaar ahaan khasaarihii ay Muqdisho ka geysteen roobab dhawaan ka da’ay oo ay dad ku dhinteen, dad kalena ay ku barakaceen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa muuqatay in mas’uuliyiinta Hay’adaha Samafalka aysan jecleysan dalabka uga yimid Maxkamadaha Islaamka ee ahaa in lala soconayo howlaha ay qabanayaan, bacdamaa haatan loogu baaqay in ay soo qeexaan qorshe howleedyadooda ka hor inta aysan howlgelin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).