13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Sarkaal ka tirsan Ciidamadii Col. Barre Hiiraale oo sheegay in ay mar kale weerarayaan Gobollada Jubbooyinka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 02, 2006(HOL): C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaaq oo ka tirsan Saraakiisha Hoggaanka Ciidamada Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay in ay mar kale weerar rogaal celis ah ku qaadayaan Ciidamada Maxkamadaha islaamka ee jooga gobollada Jubbooyinka.

 

Col. Fartaag oo isagoo ku sugan Degmada Baardheere ee gobolka Gedo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay in dagaalkii ay dhawaan la galeen ciidamada Maxkamadaha looga qabsaday gaadiid dagaal iyo kuwo yar yar oo gaarayay ilaa 14 gaari, wuxuuse sheegay in gaadiidkaas ay oo dhiiqo galay ay ka tageen kadib markii ay ka furteen waxyaabihii muhiimka ahaa.

 

Col. Fartaag waxaa uu sheegay in dagaalkii ay la galeen Xoogagga Maxaakiimta ay ka qeybqaateen ciidamo Anjabi oo uu sheegay in ay qaarkood dileen dukumiintiyana ay ka hayaan, wuxuuna si gaar ah u xusay nin uu ku magacaabay Cabdalla Suudaani, kaasi oo sida uu yiri ay caddeymihiisa u soo bandhigi doonaan  saxaafadda.

 

Korneelka oo horay ay u soo baxeen in dagaalka lagu qabtay ama la dilay ayaa beeniyay in dagaalka ay la galeen ciidamada Maxkamadaha ay kala qeybqaateen ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay dagaalkaasi qaadeen ciidamada Jubbooyinka, haatana ay iyagii is-abaabulayaan oo ay mar kale weeraro qaadayaan.

 

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka gobollada Jubbooyinka Ibraahim Shukri Shiikh Axmed ayaa horay u sheegay in ay ciidamo ka badan 40 nin ka dileen Col. Barre Hiiraale, sidoo kalena ay ka qabsadeen gaadiid dagaal iyo kuwo kale oo tiradoodu dhan tahay 36 gaari, isagoo intaas ku daray in ay dagaalkaas ku qabteen sarkaal Itoobiyaan ah oo sida uu yiri ka mid ah 200 oo sarkaal oo ay dowladda Itoobiya u soo dirtay gudaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).