13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Shirkii Khartoum oo dib loo dhigay ilaa waqti aan la cayimin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 02, 2006(HOL): Wada hadalladii lagu dhexdhexaadin lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa qabsoomi waayay, kadib markii dhinacyadii ka qeybgelayay ay shuruudo adag isku xireen, waxayna wufuuddii labada dhinac kala meteleysay ay maanta ku laabanayaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

 

Haddiiba uu qabsoomi lahaa shirkan wuxuu noqon lahaa shirkii seddexaad oo ay labada dhinac wada yeeshaan, kaasi oo ay uga doodi lahaayeen qodobo xasaasi ah oo ay ka mid ahaayeen awood qeybsiga talada dalka iyo arrimaha ammaanka.

 

Haddaba markii lagu guuleysan waayay in laga dhaadhiciyo dhinacyada kulanka loo qabtay ayay Dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Jaamacadda Carabta, gogosha shirkana fidisay ay ku dhawaaqday in shirka dib loo dhigay ilaa waqti dambe oo aan la cayimin, waxaana war murtiyeed ay soo saartay Suudaan loogu sheegay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay joojiyaan dacaayadaha ay warbaahinta isu marinayaan iyo dhaqdhaqaaqyada Mileteri ee keeni kara in uu dagaal dhaco, taasi bedelkeedna ay abuuraan jawi ay wada hadallada ku sii socon karaan.

 

Shuruudaha shirka hareeyay ee keenay in Khartoum lagu soo kala tago ayaa waxaa ka mid ahaa in ay Maxkamadaha Islaamka la yimaadeen shuruud ah in marka hore ciidamo Itoobiyaan ah oo dalka ku jira laga saaro, sidoo kalena guddoonka wada hadallada laga saaro IGAD oo ay meteleysay Dowladda Kenya.

 

Diblumaasiyiintii u tagtay Khartoum in ay goob joog ka noqdaan wada hadalladii lagu waday in ay dhexmaraan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamka oo marqaati ka ahaa shuruudihii ay  labada dhinac isku xireen ayaa waxay ka cabsi qabaan in labada dhinac marka ay dib ugu laabtaan meelihii ay ka kala yimaadeen ay ciidamadooda oo aad isugu dhow ay isku dhacaan.

 

Dad badan oo Soomaaliyeed  ayaa sidoo kalena cabsi ka muujinaya in bur burka wada hadallada ay keeni karaan dagaal ku faafa Geeska Afrika, waxayna arrinta Soomaaliya u muuqataa mid faragelin badan oo shisheeye ay ku jirto, waxaana xusid mudan in dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay horay baaq ugu jeediyeen dowladaha Itoobiya iyo Eretereya oo ay uga digeen in ay colaadda u dhaxeysa u dhoofiyaan dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).