13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo Kulan la yeeshay Hay’adaha Samafalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 19, 2006(HOL): Waxaa maanta shir ku wada yeeshay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Golaha Maxkamadaha Islaamka ee agagaarka Warshaddii Caanaha ku taala Guddiga Gurmadka Fatahaadaha iyo mas’uuliyiin ka socotay Hay’ado Samafal oo Caalami iyo Wadani isugu jiray.

Shirkaas ayay labada dhinac uga wada hadleen sida ugu sahlan ee loogu gurman lahaa dad ay waxyeello ka soo gaartay fatahaado ay sameeyeen Webiyada Shabeelle iyo Jubba oo Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo khasaare ka geystay ilaa 6 gobol oo Koofurta Soomaaliya ku yaala.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa shirkaasi kadib saxaafadda u sheegay in ay labada dhinac shirkooda uga hadleen sidii kaalmo deg deg ah loola gaari lahaa dadka ay masiibada Fatahaadaha ku habsadeen ee gobolladaas ku dhaqan, wuxuuna caddeeyay in ay ku guuleysteen in xiriiro la sameeyaan hay’ado Samafal oo saldhiggoodu yahay Magaalada Nairobi, kuwaasi oo ay u bandhigeen baahida ay Dadka Soomaaliyeed qabaan.

Shiikh Nuur Baaruud waxaa uu sheegay in ay jawaab wanaagsan oo deg deg ah ka heleen hay’adihii ay la xiriireen, wuxuuna caddeeyay in ay dhawaan howlgallo gurmad ah ay bilaabi doonaan , isagoo intaas ku daray in mas’uuliyiinta Hay’adaha loo sheegay in ammaankooda la sugi doono.

Gargaarka ugu horeeya ayaa la filayaa in dadkaas tabaaleysan lagu gaarsiiyo diyaarado, iyadoo dhinaca hawada looga daadin doono gargaarka ay u baahan yihiin, wuxuuna Shiikh Nuur Baaruud uu carrabka ku dhuftay in ay isku xiriiriyeen mas’uuliyiinta Hay’adaha iyo kuwa Gobollada ay masiibooyinka ka dhaceen.

Guddigan Gurmadka Fatahaadaha oo 15 xubnood ka kooban ayaa waxaa todobaadkii hore magacaabay Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ee kala ah Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo howshooduna ay ahayd sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen baaxadda khasaaraha ka dhashay Fataahadaha Webiyada Shabeelle iyo Jubba.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa isna maanta wuxuu magacaabay Guddi 8 Xubood ka kooban oo soo qiimeyn doona khasaaraha ka dhashay Fatahaadaha, waxaana guddigaas guddoomiye looga dhigay Wasiirk Arrimaha Gudaha, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka koowaad Inj. Xuseen Maxamed Caydiid.

Guddiyadan oo ka soo kala jeeda Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa qeylo dhaan wada gaarsiin doona Xafiisyada Hay’adaha Samafalka ee magaalada Nairobi oo inta badan ay ku yaaliin xafiisyada Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya, lamana oga sida ay saameyn isugu yeelan doonaan warbixinnada ay gudbiyaan labadan guddi oo aan hal dhinac ka soo jeedin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).