Axad, November 19, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maxkamadaha Islaamka ee ka taliya Gobollada Jubbooyinka ay soo saareen amar ay ku mamnuucayaan in ay dadka shacabka hub ku dhex qaataan deegaanada ay ka taliyaan.
Guddoomiye ku xigeenka maxkamadaha Islaamka ee Gobollada Jubbooyinka C/fataax Maxamed Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in aaney dadka wax hubka ku qaadan karin deegaanada uu maamulkooda gaaro, wuxuuna caddeeyay in ciddii lagu helo tallaabo laga qaadi doono, isagoo sababta ay amarkan u soo saareena ku sheegay in ay la xiriirto sidii ay u xoojin lahaayeen ammaanka gobollada Jubbooyinka.
Guddoomiye ku xigeenka wuxuu ugu baaqay dadka Gobollada Jubbooyinka in ay is-diiwaangeliyaan, hubkoodana ay ku wareejiyaan Maxkamadaha Islaamka, isagoo dhinaca kalena carrabka ku dhuftay in loo sharciyeyn doono ciddii loo garto in aysan Hubka ka maarmeynin, hayeeshee mar kasta lagu koontarooli doono rasaastana laga tirin doono.
Horayna Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa u sheegay in aaney suurtagal noqon doonin in ay nabadgelyo iyo dowladnimo ka shaqeeyaan, dadkana ay hubka guryaha isaga heystaan, isagoo caddeeyay in ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo hubka looga uruurinayo Dadka Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia