Axad, November 19, 2006(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa soo saaray wareegto uu ku dhisayo niyadda ciidamada Maamulka uu madaxda ka yahay ee Puntland oo beryahaan xiisad ay kala dhaxeyso Maxkamadaha Islaamka.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Askarta Mamulka Puntland si gaar ah u ogaanayo haddii ay wax ku noqdaan difaaca deegaanada uu ka taliyo Maamulkaas, iyadoo lagu xusay wareegtada in uusan wax magdhow ah lahaan doonin dembilihii ay waxyeelo u geystaan ciidamada Puntland.
Hadalkan uu soo saaray Madaxweyaha Puntland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maxkamadaha Islaamka iyo maamul goboleedka Puntland ay mas’uuliyiintooda dhawaan qalabka warbaahinta isu mariyeen hadallo dhiillo colaadeed xambaarsan, iyadoo sidoo kalena uu hadalkan ku soo beegmayo xili beelo wax ka soo dhistay maamul goboleedka Puntland ay bilaabeen in ay sameystaan Maxkamado Islaami ah oo qaarkood xiriir la yeesheen Golaha Maxkamadaha Islaamka ee ka taliya inta badan gobollada Koofurta Soomaaliya.
Dhanka kalena, waxaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo dhawaan ciidamo ka amar qaata ay deegaanka Bandiiradley kula dagaalameen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, waxaana lagu soo waramayaa in Korneelka si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu tegitaankiisa ku beegmay xili uu magaalada ka jiray banaanbax ay dhigayeen dad ka soo horjeeda Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo banaanbaxooda uu aakhirkii isu bedelay rabshado, isla markaana waxyeelo u geystay masjid halkaasi ku yaala oo sababta ay u waxyeeleeyeen ay ku sheegeen dadkii banaanbaxayay in ay sameysteen dad ay ku sheegeen Bidco.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia