Sabti, November 18, 2006(HOL): Shirkadda Xawaalada ee Amaana laanteeda Gobalka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay deeq loogu gurmanayo Dadkii ka Bara baxay deegaanadii ay ku noolaayeen waxaa ay gaarsiisay Ilaa 100 Qoys oo ku nool duleedka magaalada B/weyn.
Sida uu HOL u sheegay Wakiilka Shirkadda ee Gobalka Hiiraan C/shakuur Cali Cismaan Deeqdan oo ah mid shirkaddu ugu talagashay in ay kaga qeyb-qaadato Gurmadka loo fidinayo dadka dhibaatadu saameysay ayaa Qoyskiiba la Goostay ayuu yiri in la siiyo Raashin Maalmo ku filan Maadaaama sida uu sheegay shirkaddu aragtay baahida dadku u qabo wax uu quuto.
C/shakuur waxaa uu intaa ku daray in Qoyskiiba loogu tala galay 12.5 (Labo iyo toban kiilo iyo bar) oo ka kooban Bur, Bariis, Sokor iyo waliba Hal caag oo saliid ah, waxaana uu intaa ku daray in Talaabadani tahay mid tijaabo ah, islamarkaana ay diyaarinayaan deeqo kale oo ay ugu tala galeen dadka liita.
Deeqda oo Qoys Qoys loo gudoon siinayay 100ka Qoys ayaa la
Shirkada ayaa deeqday dadka ay gaarsiisay u sii marisay Mas’uuliyiinta Maxkamada islaamiga Gobalka Hiiraan oo si weyn ugu Amaanay shirkada sida ay isugu xilqaantay wax u qabashada dadka daruufuhu la soo darseen, iyagoo ku booriyay in aysan ka daalin wax ka qabshada xaalada taagan u baahan gurmada nooc kasta leh.
Dhanka kale hooyo lagu magacaabo Madiino Xuseen kana mid ah dadka Tuulada Reer luubow ayaa waxaa Deeq lacageed oo dhan 100 doolar soo gaar siiyay nin lagu magacaabo Saciid Sh. Cabdi. kadib markii uu ka daawaday HOL sawir naxdin lahaa oo muujinaya daruufta heysata Qoyskeeda,
Hooyadan oo aan ku booqday hoyga ay dagan tahay oo ka sameysan cooshado ayaa ii sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay deeqda soo gaartay islamarkaana ay ugu mahad celinayso shaqsiga soo gaarsiiyay, iyadoo intaa ku dartay in dhamaan dadka wax heysta ay ka filaneyso sidaa oo kale.
Dadka ka bara Baxay Magaalada B/weyn oo iyagu xaafad gaar ah ka sameystay Halka lagu magacaabo Jante-kuundisho ayaa wali iyagu si Rasmi ah u helin deeqo ku filan , Inkastoo hadana dadkaasi siyaabo kala duwan ay noloshooda ku maareeyaan.
Wabiga Shabeele ayaa hadda marka aad eegto u muuqda mid Biyihiisu sii yaraanayaan walow hadana aysan dhaweyn in dadku dib ugu soo laabto Gudaha magaalada sababo caafimaad awgeed, taasoo xitaa marka dhan laga eego u muuqneysa in muddo dadku u sii baahan yahay kaalmo loo fidiyo.
Hay’adaha samafalka Gobalka ayaa iyaguna wada dadaal ay doonayaan in ay mar kaliya gurmad ku gaarsiiyaan dhamaanba dadka barakacay, waxaana markii ugu horeysay Gudaha gobalka soo gaaray deeqo kala duwan oo ka kala yimid magaalooyinka
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia