13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Degmada Warshiikh oo dadkeedu muddo 16 sano ah kadib nasiib u yeelanayaan in ay helaan adeegyada Bulshada

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, November 18, 2006HOL): Degmada Warshiikh oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka socda mashaariic dib loogu soo nooleynayo adeegyada aas-aasiga ah ee ay Bulshada u baahan yihiin, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan caafimaadka, waxbarashada, nabadda iyo biyo nadiif ah oo ay dadku cabaan.

 

Mashaariicdan waxaa iska kaashaday Hay’ado Samafal oo gobolka ka howlgala iyo weliba dad ka soo jeeda Degmada Warshiikh oo ku dhaqan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, kuwaasi oo go’aansaday in ay degmadooda ka bixiyaan go’doonka ay ku jirto.

 

Degmada oo haatan leh Dugsi Hoose Dhexe, waxaa haatan ka socda dhismaha Isbitaal dadka degmada iyo deegaanada u dhow dhow lagu daweyn doono, sidoo kalena waxaa iyana la bilaabay dhismaha xafiisyada degmada Maxkamadda degmada iyo saldhiga iyo xabsiga, waxaana hirgelinta mashaariicdan iska kaashaday dadka Degmada u dhashay ee dibadaha ku maqan iyo Hay’adda Inter-SOS.

 

Axmed Xaaji Muxudiin Cali iyo C/raxmaan Shiikh Qaasim Shiikh C/raxmaan oo u xil saaran agaasinka dhismaha Isbitaalka iyo xarumaha kale ayaa u sheegay HOL in Isbitaalka uu ka koobnaan doono 7 qol 3 Musqulood iyo Barando weyn, iyadoo haddii loo baahdana la sii weyneyn karo bacdamaa uu leeyahay dhul baaxaddiisu dhan tahay 200 Mitir.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Shuurada iyo Guddomiyaha gobolka Sh/dhexe iyo waliba waxgarad kale ayaa ka qeybgalay furitaanka dhagax dhigga Mashaariicdan dhowrka ah oo hirgelintooda uu muddo u oloeynayay Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar), waxaana sidoo kale ka qeyb gelay furitaanka Mashaariicdan qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka, waxayna Deg. Warshiikh noqoneysaa degmadii ugu horeysay oo laga hirgeliyo Mashaariicdan dhowrka ah ee kaabaya adeegga bulshada degaankaas iyo kuwa kale ee u dhow, wuxuuna Isbitaalkani noqon doonaa mid u shaqeeya hab casri ah, kaasoo looga maarmi doono in dadka qaba baahida degdegga ah ee dhinaca caafimaadka loola soo cararo dhinaca magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kalena, waxaa maalintii shalay ahayd kormeel howleed ku soo kala bixiyay Tuulooyin ka tirsan Degmada Warshiikh Guddoomiyaha Degmadaas Xasan Maxamed Axmed (Cowseey), wuxuuna booqashadiisii ugu horeysay ka bilaabay Tuulada Ilig Madoobe oo uu ka soo furay Suuq ay dadka ku ganacsadaan.

 

 Guddoomiyaha oo hoggaaminayay Wafdi isugu jiray Nabaddoono, Aqoonyahanno iyo Dhalinyaro ayaa markii uu tegay Tuulada Ilig Madoobe waxaa uu la hadlay Dadkii deegaankaas deganaa, kuwaasi oo qudhooda si weyn u daneynayay in ay arkaan Guddoomiyahooda cusub, wuxuuna Guddoomiyuhu u sheegay dadka in looga baahan yahay in ay muujiyaan wax-qabsi, si wax loogu qabto, isagoo uga digay in ay ku dhaqmaan sameynta waxyaabaha aan wanaagsaneyn, sida Qamaarka iyo xeerarka kale ee ay dhigtaan dadka Reer Miyiga ah. Guddoomiyaha wuxuu sidoo kale ugu baaqay dadkii uu la hadlay in ay noqdaan kuwo diyaar u ah inay horumar sameeyaan, bacdamaa ay Tuuladooda muddo dheer dib u dhacsaneyd, isagoo u ballanqaaday in dhinaca Waxbarashada uu ka kaalmeyn doono, isla markaana aqoonta loogu geyn doono geedaha hoostooda.

 

Sidoo kale waxaa munaasabaddaas Suuqa lagu furayay ka hadlay Nabaddoono ay ka mid ahaayeen Caaqil Koogaar oo isagu Tuuladaas Ceel ka qoday sanadkii 1963-kii iyo Xaaji Hadaafow Firte, kuwaasi oo ku nuuxnuuxsaday in haddii aaney dadku wax qabsaneyn aan wax loo qaban karin, sidoo kalena uusan shaqeyn karin Suuqa la furay haddii aaney dadku isku dhiirigelineynin in ay wax kala iibsadaan, “Warshiikh dhowr iyo labaatan sano ayay Degmo tahay wax ay qabsatayna ma jiraan, hadda waxaa loo doortay Guddoomiye cusub waxaana laga rabaa in ay wax qabsadaan Reer Warshiikh, Guddoomiyahana ay la shaqeeyaan”ayuu yiri Xaaji Hadaafow Firte oo sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo Waddo Laami ah oo Warshiikh iyo Xamar isku xirta.

 

“Beesha Warshiikh waa dambeysaa, 16-kii sano ee aynu ka soo gudubnay iyo xitaa intii ay jirtay dowladdii Maxamed Siyaad ee Degmo ahaanta loo magacaabay wax ay qabsatay ma lahan, anigu waxaan ahay ninkii 1963-kii Ceel ka qoday Tuuladan, tan iyo xiligaasna Tuulada waxba kuma soo kordhin, dib u dhacaasna dadkeeda ayaa u keenay, waxaad ogaaneysaan maanta Suuqa la idiin furayo in uusan shaqeyneynin haddii aanan la helin dad badeeco keena iyo kuwo ka iibsada”ayuu yiri Caaqil Koogaar oo ugu baaqay dadka Tuuladaas in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee Degmada Warshiikh.

 

Sidoo kalena waxaa ka hadlay munaasabadda Taliyaha Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Aagga Bari Gobolka Shabeelaha Dhexe ninka lagu magacaabo Barre Gacal (Barre Food-Cadde) oo isagu har iyo habeen roondo ku sameeya Wadada isku xirta Xamar ilaa Ruun-nirgood ee dhinaca bari marta, wuxuuna u sheegay Barre dadkii uu la hadlayay in ay la shaqeeyaan maxkamadaha Islaamka oo ay u sheegaan haddii ay arkaan dadka nabadgelyo iyo wax aan wanaagsaneyn sameynaya, “Reer Ilig Madoobe waxaan uga fadhinaa nabadgelyo, wax kasta diyaar baan idiinla nahay xitaa haddii Gaari Tikniko ah iyo Ciidamo na weydiisaan, laakin waxaan idinka rabnaa in aad muujisaan dadaalkaas oo aad iska soo saartaan kuwa falalka aan wanaagsaneyn deegaanka ku dhex sameynaya”ayuu yiri Barre Food-Cadde.

 

Ugu dambeyntiina Guddoomiyaha cusub ee Degmada Warshiikh Xasan Maxamed Axmed Cowseey waxaa kale oo uu booqday Tuulooyin ay ka mid yihiin Qeyla-weyne, Xamarow, Fila-Dheere, wuxuuna dhamaan dadkii uu kula kulmay uu ugu baaqayay in ay wax qabsadaan, isla markaana ay iska iloobaan waxyaabaha dib u dhaca u keenaya, isagoo Tuulo kastana dadkeeda u ballanqaadayay in ay heli doonaan adeegyada Bulsho ee ay u baahan yihiin.

Halkan ka daawo sawirro kale oo ku saabsan

Kormeerka Guddoomiyaha Degmada Warshiikh


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).