Sabti, November 18, 2006HOL): Warbixin ay soo qoreen xubno ka tirsan guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka xadgudubyada loo geysto cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa waxay jaha wareer ka dhex abuurtay xubnaha golaha Ammaanka kadib markii inta badan wadamo lagu eedeeyay inay Soomaaliya hub u direen ay beeniyeen warbixintaas.
Shir ay albaabada u xiran yihiin oo ay yeesheen Xubnaha Warbixinta soo qoray iyo Guddiga Golaha Ammaanka u qaabilsan la socodka xadgudubyada loo geysto cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa waxaa ka soo bixi waayay natiijo wanaagsan oo loo gudbin karo xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka, iyadoo sababtuna ay ahayd in warbixinta ay ku jiraan eedeymo sheegaya in Dalka Iiraan ay Hub u dirtay Soomaaliya, si ay ugu bedelato macdanta uranium-ka, halka Dalka Lubnaan isna lagu eedeeyay in uu calooshood u shaqeystayaal Soomaali ah oo 720 nin gaaraya ay ka dhinac dagaalameen markii uu bishii July ee sanadkan uu la dagaalamayay Israa’iil.
Danjiraha Dalka Qadar u fadhiya Qaramada Midoobay oo ah Guddoomiyaha guddiga la socodka cunaqabteynta saaran Soomaaliya Mr. Nassir Al-Nasser ayaa sheegay in warbixinta ay tahay mid adag oo aan go’aan degdeg ah laga qaadan karin, wuxuuna ku dhawaaqay in shir kale oo arrimaha warbixintan looga hadlayo uu Golaha isugu yimaado Talaadada soo soocta.
Wadamo ay ka mid yihiin Ethiopia, Eritrea, Egypt, Yemen, Libya, Iran, Djibouti, Sa’udi Arabia, Syria iyo Uganda ayaa lagu eedeeyay in ay jebiyeen cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, inkastoo wadamadan badankood ay beeniyeen eedeynta loo jeediyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online