13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Isbedel dhaqaale iyo mid Bulsho ma laga yaabaa in ay ku keenaan Magaalada Beledweyne Biyaha Dhex ceegaaga?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 16, 2006(HOL): Magaalada Beledweyn 11-kii November 2006 waxaa ay u tahay maalin gaar ah oo dadka ku dhaqan dhaamaan si gaar ah u xasuusan doonaan, kadib 95% Dadkii ku dhaqnaa ay isaga baxeen guryihii ay ku noolaayeen oo qaarkood saqafka kore biyuhu u tageen.

Sameynta Biyaha ku Rogmaday Magaalada B/weyn oo ah mid Dadka soo xasuusisay Masiibadii Sunaami ayaa marka la eego waxaa dhab ah in ay reebi doonaan saameyn Dhaqaale iyo mid Bulsho intaba maadaama 70% wax badan ay yihiin kuwo u baahan in Gunta hoose laga soo bilaabo.

Waxaa dhamaan Bur buray inta badan Guryihii magaalada oo Qoysas badan ka sugaya inay dhidibada u taageen marka dib magaalada loogu soo laabto, waxaa ay sidoo kale Biyuhu waxba kama jiraan ka soo qaadeen Laamigii dheeraa ee Batamaha magaalada taasoo hada aysan suurta gal ahayn in Baabuurtu maraan, sidoo kale waxaa ay sameyn xoog leh Biyuhu gaarsiiyeen Isgaarsiintii Gudaha kadib markii ay soo saareen Fiilooyinkii dhulka hoostiisa ku jiray, sidoo kale waxaa iyana xusid mudan in Biyaha ku Rogmaday magaalada ay bur buriyeen Tubooyinkii Biyaha geyn jiray xaafadaha magaalada, halka sidoo kale Biyuhu ay saameeyeen Xitaa shirkadaha Qaar oo hadda Qalabkoodii ka Rartay magaalada.

Arimhan oo dhan ayaa marka laysku geeyo waxaa la oran karaa Fartahaada Wabiga Shabeelle ee Magaalada B/weyn waa mid Raad Dhaqaale oo Gun dheer ku Reebay dhinacyo badan oo la oran karo waqti badan ayay qaadan kartaa sida looga soo kaban karo, waayo waxaa jira Qoysas badan oo ay ku adag tahay in mar kale ay dib u soo bilaabaan dhismaha deegaanadii ay ku noolayeen sababo dhaqaale awgeed.

Laakiin Arimahan oo dhan ayaa waxaa ka sii daran Saameynta Bulshada ay ku yeelan karo Fatahaadan, gaar ahaan dhinaca Caafimaadka oo ay si weyn dhaqaatiirtu uga deyrinayaan, Waayo waxaa cadaan ah biyuhu isku dhax fureen Ceelasha biyaha laga cabo iyo Musqulihii magaalada, oo ay kuu sheegayaan dhaqaatiirtu in ay tahay halka sameynta ugu daran ay ka Imaan doonto,

Sidoo kale waxaa ay dhaqaatiitu sheegeen in marka ay Biyuhu dhamadaan ay dilaaci doonaan Cudurru ay ka mid yihiin Maleeriyo iyo waliba Fuuqbax gaar ahaan Caruurta oo ah kuwa arrimahaas u nugul.

Ma ahan oo kaliya dhanaca caafimaadka sameynta Bulshada ka soo gaari karto biyaha ku soo rogmaday magaalada ee waxaa xusid mudan in Maciishada laftirkeeda cirka isku shareeri karto waayo waxaa go’ay dhaamaan goobihii safarrada u soo mari jireen magaalada, waana xaalad dhabaato weyn ku reebi doonta dad badan oo dan yar ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Biyaha ku soo Rogmaday Magaalada B/weyn ayaa waxaa ay dad badan soo xusuusiyeen sanadihii 1981kii iyo waliba 1997kii oo sidan oo kale magaalada u bur burtay Fatahaado uu ku sameeyay Webiga, walow tan ay kaga duwan tahay kuwii hore xaddiga biyuhu la egyihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).