13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo Guddi u magacaabay soo qiimeynta khasaaraha ka dhashay Fataahadaha ay sameeyeen Webiyada Shabeelle iyo Jubba

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 15, 2006(HOL): Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Golayaasha Shuurada iyo Fulinta ee Maxkamadaha Islaamka ayaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay fatahaadaha ay labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ay ku sameeyeen qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana shirkaas jaraa’id lagu magacaabay guddi 15 xubnood ka kooban oo deg deg u howlgala.

 

Xubnaha Guddigan oo kala ah Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Axmed Cabdullaahi Maxamed, Shiikh Aadan Cali, Shiikh Nuur Baaruud, Shariif Maxamed C/llaahi, Maxamuud C/kariin Gabeyre, Prof. Shirwac iyo xubno kale ayaa waxay u howlgeli doonaan sidii loo soo qiimeyn lahaa khasaaraha fatahaadaha ay sameeyeen Webiyada Jubba iyo Shabeelle, gaar ahaan Gobollada Shabeelooyinka, Hiiraan, Gedo iyo Jubbooyinka.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in ay shirka isugu yimaadeen kadib markii ay sii kordheen khasaaraha ka dhashay fatahaadahaas, wuxuuna caddeeyay in warbixinnada ay helayaan ay sheegayaan in meelaha qaarkood ay khasaare lixaad leh dadka soo gaartay, wuxuuna dhanka kale Shiikh Shariif uu ugu baaqay dadka ay waxyeelada ka soo gaartay fatahaadaha in ay Alle ku aqoonsadaan, isla markaana ay alle weydiistaan kaalmo.

 

Xubnaha Guddigan ayaa waxay isugu jiraan Ganacsato iyo Culumaa’udiin, waxayna howshoodu noqon doontaa sidii deg deg looga soo warbixin lahaa khasaaraha ka dhashay fatahaadaha, iyagoo kadibna warbixintooda u gudbin doona Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka, si dadka ay waxyeelada soo gaartay gurmad deg deg ah loogu fidiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).