13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo beeniyay in ay hub ka heleen Iiraan iyo Suuriya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 15, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in ay hub ka heleen Wadamada Iiraan iyo Suuriya oo warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay in ay xiriir la leeyihiin Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay hub u direen, inkastoo sidoo kale warbixinta lagu xusay ilaa 14 dal oo kale oo ay ka mid yihiin Liibiya, Masar, Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Lubnaan iyo kuwo kale, kuwaasi oo iyana lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya.

Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudeey ayaa sheegay in aaney wax xiriir ah ka dhaxeynin Wadamada la sheegay in ay hubka u direen Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in intii ay jireen oo ilaa 8 bilood uu ku qiyaasay aysan weligood booqan dalalka Iiraan iyo Suuriya wufuud ka socota Maxakamadaha Islaamka, warakaasina ay yihiin kuwo laga soo xigtay dad aan xog ogaal u ahayn arrimaha dalka Soomaaliya.

Warbixinta ka soo baxday Qaramada Midoobay oo ay soo uruuriyeen guddi la socday cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya ayaa waxaa lagu xusay  in Dowladda Suuriya ay diyaarad hub ah u dirtay Maxkamadaha Islaamka, sidoo kalena ay Dowladda Iiraan Maraakiib Hub ah u dirtay Soomaaliya, si ay ugu bedelato Macdanta aan looga maarmin farsamada Nuclear-ka, waxayna warbixinta si gaar ah loogu xusay in saraakiil ka socday Dowladda Iiraan ay tageen dalka Soomaaliya, si ay u helaan macdantaas.

Warbixinta waxaa kale oo lagu xusay in 720 Mujaahidiin ah oo Maxkamadaha Islaamka ka tirsan ay Ururka Xizbullaah ee Lubnaan ka dhisan ka barbar dagaalameen markii uu dagaalka kula jiray Dalka Israa’iil bartamihii sanadkan, iyadoo lagu xusay warbixinta in Mujaahidiintaas lacag loo qeybiyay, halka kuwo ku dhintayna qoysaskooda la siiyay lacag ay ku iloobaan oo aan la caddeynin halka ay rasmi ahaan ka timid.

Golaha ammaanka oo shir ka yeelan doona arrimha Soomaaliya Soomaaliya todobadka soo socda waxaa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in ay dalalka Itoobiya iyo Eretereya oo cadaawad ay u dhaxeyso ay iyana hubeynayaan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Wadamada lagu xusay Warbixinta UNka ka soo baxday ayaa beeniyay in ay hub u direen Soomaaliya, waxayna caddeeyeen in ay ixtiraamayaan cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya lagu soo rogay sanadkii 1992-kii, xiligaasoo dalka Soomaaliya uu noqday mid fowqdo ah oo aan lahayn meel loogu soo hagaago kadib markii ay meesha ka baxday Dowladdii Meleteri ahayd ee 21-ka sano ka talineysay.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu UN-ka cunaqabateynta ku soo rogay dalka Soomaaliya 14 sano ka hor ayaa waxaa jiray dalal hub ku daldalay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo uusan UN-ka wax tallaabo ah ka qaadin marka laga reebo in uu soo saaro warbixinno uu ku sheegayo sida ay ugu xadgudbeen dalka Soomaaliya, waxayna taasi keentay in ay iska sii socoto ku xadgudubka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).