13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

SHIIKH SHARIIF SHIIKH AXMED:” Suurtagal ma ahan in aan Nabad iyo Dowladnimo ka shaqeyno Nin walbana uu guriga hub u yaalo, hubka waa in uu hal gacan soo galaa”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 15, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Maxakamadaha Islaamka ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo hubka looga uruurinayo dadka Shacabka ah ee ku dhaqan meelaha ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka.

Shiikh Shariif waxaa uu ku tilmaamay arrin aan suurtageleynin in ay nabad iyo dowladnimo ka shaqeeyaan nin walbana uu guriga hub u yaalo, ” Suurtagal ma ahan in aan Nabad iyo Dowladnimo ka shaqeyno Nin walbana uu guriga hub u yaalo, hubka waa in uu hal gacan soo galaa” ayuu yiri Shiikh Shariif oo caddeeyay in dhawaan uu bilaaban doono howlgallo hub uruurin ah oo ay Maxkamadaha Islaamka fulinayaan, walow uu tibaaxay in dadweynaha qudhooda ay daneynayaan in ay hubka iska dhigaan bacdamaa sida uu yiri loo sugay ammaanka.

Shiikh Shariif waxaa uu dhanka kale ka hadlay arrimaha dhul boobka iyo dhibaatooyin ka dhashay oo beryahaan Muqdisho aad ugu sii kordhayay, wuxuuna tilmaamay Shiikhu in arrintaas oo horay daraasado looga sameeyay ay Maxkamadaha wax ka qaban doonaan, go’aanana laga soo saari doono.

“Dhulalka la isku heysto waxay u kala baxaan seddex qeybood oo kala ah dhul dan guud ah oo dowladdii Maxamed Siyaad Barre ay ugu talagashay in ay ku qabato howlaha danta guud, kaasi oo ay dowladdii Carta qaabab kala duwan ku bixisay, inkastoo hadana uu C/qaasim Salaad ka soo saaray go’aan ah in aan la bixin karin dhulka danta guud, Dhul Goofaf ahaa oo dowladdii Carta aysharciyeyn u sameysay ayaa iyaguna ka mid ah dhulalka la isku heysto iyo dhulal ay dadweynaha milkiyaddiisa isku heystaan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in dadkaas is-heysta cadaaladda lagu kala saari doono.

Muddooyinkan dambe waxaa soo kordhayay is-heysadyo u dhaxeeya dad dhulal isku heysta, kuwaasi oo qaarkood khilaafkooda uu gaaray in ay gacanta isula tagaan, dadna iska dilaan, walow ay Maxkamadaha Islaamka ku howlan yihiin sidii ay arrimahaas u maareyn lahaayeen, isla markaana ay u kala saari lahaayeen dadkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).