13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Soomaaliya oo mar kale soo fuushay Diiradda Beesha Caalamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 14, 2006(HOL): Marka laga hadlayo xaaladaha kacsan ee Qaaradda Afrika, waxaa inta badan la soo qaadaa gobolka Darfur ee galbeedka dalka Suudaan oo ay beesha caalamku ahmiyad gaar ah siiyaan arrimaha ka taagan, balse waxaa dhawaanahan si weyn isu soo tarayay saameynta ay xaaladda Soomaaliya ku yeelatay indhaha beesha caalamka, taasoo keentay in diiradda loo saaro si la mid ah xaalada gobolka Darfur, iyadoo mararka qaarkood ay warbaahinta reer galbeedka oo si weyn ugu soo jeestay inay tebiyaan waxa ka taagan Soomaaliya ay barbar dhigaan inay Soomaaliya ku socoto waddo la mid ah tan dalka Ciraaq oo kale.

Sawirka laga muujinayo Soomaaliya waxa uu u muuqdaa mid naxdin leh oo laga digayo in xaaladda Soomaaliya ay mustaqbalka dhow noqoto mid holaca ka baxa uu saameyn ku yeesho dalalka la deriska ah Soomaaliya, xilli ay waliba aad u yar tahay rajadii laga qabay inay heshiiyaan dowladda tabarta yar iyo Maxkamadaha Islaamiga ah oo is ballaarintoodu tahay tan keentay inay xaalada Soomaaliya soo jiidato indhaha beesha caalamka, kuwaasoo inta badan muujiya shakiga ay ka qabaan in danaha dalal kala taageeraya labada dhinac ee isku haya Soomaaliya uu ugu dambeyntii isu bedelo mid ka dhiga ciida Soomaaliya goob ay isku hertiyaan dalalkaas, marka laga soo tago shakiga kale ee ay dalalka reer galbeedku ka muujiyaan in kooxo mayal adag oo Muslimiin ah ay gacanta u galeyso Soomaaliya.

Xaaladda sidaas ah ayaa waxaa sii saacidaya dhibaatada dabiiciga ah ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya iyo wax ka qabasho la’aanta labada dhinac oo ka badin la’ inay ciidamo ku daabulaan goobaha ay isaga soo horjeedaan, waxaana masiibooyinkaasi ka mid ah daadadka geysanaya khasaarooyinka lixaadka leh.

Isu tanaasulid la’aanta Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa ah tan meesha ka saartay xitaa howlihii yaraa ee samafalka ahaa ee ay gudaha Soomaaliya ka fulin jireen Hay’adaha Q/Midoobay, kuwaasoo shaqaalahoodii kala baxay cabsida dagaal iyo hanjabaado loo geystay awgeed, waxayna xaaladda bani’aadanimo ee u baahan wax ka qabashada deg-dega ah ay keeni kartaa mustaqbalka dhow in meel la iska dhigo waxa ay ku kala fikirayaan labada dhinac oo u muuqda kuwo aan ahmiyad siineyn xaaladda bani’aadannimo, isla markaana uu soo baxo go’aan kale oo laga qaato sidii loo badbaadin lahaa shacabka ku dhammaanaya masiibooyinka iyo kuwa ay Badaha ku leynayaan Yaxaas badeedka.

Su’aashu waxay tahay Soomaaliya ma waxay u baahan tahay in lagu sii daayo sida ay haatan u muuqato, mise waxay u baahan tahay in laga qabto dhibaatada loo saadaalinayo ee ay dhaliisheeda yeelanayaan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga ah oo isku dayaya inay ruwaayad been ah u sii jilaan shacabkooda, tiiyoo uu dhinac kasta leeyahay anigaa nabad iyo barwaaqo u horseedaya Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).