Talaado, November 14, 2006(HOL): Dowladda Yemen ee Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa qorsheyneysa inay mar kale dalkeeda isugu keento Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo beryahaan la dareemayo in aaney isku wanaagsan, gaar ahaan marka la eego in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Xamar ka sheegay in aan loo baahneyn in uu wada hadallada uu la gelayo Maxkamadaha Islaamka uu uga fasax qaato Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda Yemen ay u yeertay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dhawaan booqasho ku tegay dalka Yeman, isagoo la sheegay in ay mas’uuliyiinta dalka Yemen kala hadlayaan sidii mar kale loo dhameyn lahaa khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Safiirka Yeman ee arrimaha Soomaaliya Danjire Axmed Cumar uu xiriir la soo sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, isagoo la sheegay inuu kala hadlay martiqaad ay dowladiisa u fidineyso si uu u tago dalka Yemen.
Warar kalena waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu u sheegay mas’uuliyiinta dalka Yemen in Shariif Xasan uu buriyay heshiiskii ay horay ugu wada gaareen magaalada Cadan ee dalka Yeman, kaasoo isu keenay xubnaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee ku kala sugnaa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inuu Madaxweynuhu weydiistay Yemen inay u fidiso taageero Milateri oo ay dowladdiisu isku difaacdo.
Madaxweynaha Dowladda Yemen Cali Cabdalla Saalax oo kulan la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in ay si weyn u daneyneyso dowladdiisa nabad iyo xasilooni ka dhalata dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay taasi dan ugu jirto wadamada Gobolka oo dhan. Dalal ay ku jirto Dowladda Yemen ayaa lagu eedeeyaa in ay ku xad-gudbeen cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo eedeyntaasna ay timid kadib markii ay hub u direen Kooxaha isku haya Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia