13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Deeq la gaarsiiyey Wiil yar oo madaxa ay biyo kaga jiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, November 13, 2006(HOL):
Ururka Somali Women and Children Rescue Organization oo ah urur inta badan gacan siiya dadka dhibaateysan ayaa waxa uu deeq gaarsiiyay Asad Aadan Turaabi oo ah wiil da’diisu tahay 9-jir, isla markaana la dhibaateysan biyo madaxa ka galay, kaas oo wax looga qaban waayey dalka gudihiisa, waxaana wiilkaan gacanta ku haya Maxkamadda Islaamiga ah ee Shiirkole.

 

Deeqdaan oo ka koobneyd Sariir, Joodari, Qalabka lagu saxaroodo iyo alaabo yar yar oo uu Asad baahi weyn u qabay, deeqdaan oo uu ururku soo gaarsiisayey Maxamuud Cabdi Kariin ayaa waxaa ka gudoomay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Islaamiga ah ee Shiirkole Cali Xasan.

 

Deeqdaan, waxaa guddoonsiinteeda goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan Ururka Somali Women and Children Rescue Organization oo ay ka mid ahaayeen Yaasmiin Mayow Max’ed iyo Amiin Yuusuf Khasaaro, waxaana guddoonsiintii kaddib halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Shiirkole oo mahad celin u jeediyey Maxamuud Cabdi Kariin iyo intii kale ee ka horeysay ee iyana deeqda soo gaarsiisay, waxa uuna sheegay in wiilku uu u baahan yahay Isbitaal dibadeed, xanuunkiisana uu soo kordhayo, iyadoo haatan uu qalal ku soo biiray xanuunka, sidaas darteedna wuxuu ku  booriyey Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii qaliin loogu sameyn lahaa wiilkaasi.

 

Asad yare ayaa maskaxdiisu taam tahay, mararka qaarkoodna waxa uu akhrinayey Qur’aanka Kariimka, sidoo kale waxaa uu mar kasta ku duceysta in uu Alle caafimaad siiyo. Dhanka kalena Guddoomiyaha Ururka Somali Women and Children Rescue Tirik Cilmi Axmed oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Ururkooda uu wax u qaban doono Wiilkaas iyo weliba caruurta iyo haweenka la midka ah ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo intaas ku sii dartay in ay qorshaha ugu jirto sidii ay Muqdisho uga hirgelin lahaayee Dugsiyo ay wax ku bartaan Caruurta Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).