13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo ka digay in la sheegto Hantidii Qaranka Soomaaliyeed lahaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 13, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ee ka taliya magaalada Muqdisho ayaa uga digay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho in aan lagu xadgudbi karin oo aan la iska dhisan karin Dhulkii uu lahaa Qaranka Soomaaliyeed.

 

Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Banaadir Shiikh C/llaahi Macallin Cali (Abuu Cuteybta) ayaa sheegay in aan la aqbali doonin dadka dhahaya dhulka annaga ayaa horay u lahayn oo dowladdii hore ayaa naga boobtay, wuxuuna caddeeyay in ay hantidaas tahay hanti Qaran, welina aysan ka suulin in ay Hanti Qaran tahay, wuxuuna u caddeeyay dadka arrimahaas ku haminaya in aan laga aqbali doonin oo weliba aan dacwadooda iyo warkooda la dhegeysan doonin.

 

Muddooyinkan dambe ayaa waxaa soo kordhayay is-qabqabsiyo u dhaxeeyay dadka Muqdisho qaarkood, kuwaasi oo isku qabsanayay Dhul Hanti Qaran ah oo Dowladdii hore ay lahayd, iyagoo ku andacoonaya in ay dhulka horay u lahaayeen.

 

Kiiskii ugu dambeeyay ee arrintaas la xiriira ayaa waxaa uu ka dhacay Xaruntii Difaaca Cirka ee ku taala nawaaxiga Warshaddii Kabka ee magaalada Muqdisho kadib markii ay Rag sheegteen in ay leeyihiin Milkiyadda dhulka ay xaruntaas ku  fadhiyo oo markaasina ay ahayd meesha Goofaf ay Dowladdii hore ka xoogtay, hayeeshee waxaa sheegashada Raggaas ka horyimid dad kale oo iyagu haatan degan Xaruntaas, kuwaasi oo gacan ka hadal dhexmaray uu sababay in uu hal ruux ku dhinto.

 

Horayna waxay Maxkamadaha Islaamka u kala ceyriyeen dad kala boobayay dhulka Safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Magaalada Muqdisho, taasi oo si weyn loo burburiyay wixii ka dambeeyay markii Ciidamadii Mareykanka ay isaga baxeen Soomaaliya horaantii sagaashamaadkii, waxayna Maxkamadaha diideen in la dhisto dhulka Safaaraddii Mareykanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).