13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo ugu baaqay Kenya in ay ka laabato xayiraadda Duulimaadka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 13, 2006(HOL): Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya in ay ka laabato go’aankii ay ku xayirtay duulimaadyadii Soomaaliya uga imaan jiray, kana aadi jiray.

 

Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku sugan ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxaa ay ka soo saareen baaq ay u direen dowladda Kenya, kaasi oo ahaaa in ay ka laabato go’aanka ay ku gaartay in ay joojiso duulimaadyada Soomaaliya.

 

Xildhibaan Shariif Saalax Maxamed Cali oo kulankaasi kadib saxafiyiinta la hadlay ayaa sheegay in ay isla garteen markii ay shireen in Kenya loogu baaqo in ay ka noqoto go’aanka ay qaadatay oo ay u arkeen mid aan munaasab ahayn xiligan.

 

Sidoo kalena waxaa ka hadlay arrimaha joojinta duulimaadka Soomaaliya tegi jiray ee ay Kenya soo saartay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Jinaqow oo sheegay in go’aankaas uu ula muuqdo mid isku si u saameynaya shacabka labada dal, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay tuhmayaan in Kenya go’aankaas lagu xambaaray oo ay dad ku dhex shaqeysanayaan.

 

Shiikh C/raxmaan Jinaqow waxaa uu sheegay in ay xiriir kala sameyn doonaan arrintaas dowladda Kenya, wuxuuna rajeeyay in ay Kenya arrintaas ka fiirsan doonto oo ay ka laaban doonto bacdamaa ay arrintaas tahay mid dhib leh oo soo korortay, sida uu hadalka u dhigay.

 

Siyaasiga Ilyaas Barre Shiil oo Muqdisho socdaal xog-doon ah ku jooga ayaa sheegay in dowladdiisa Kenya ay qalad sameysay kadib markii ay xayirtay Duulimaadyadii Soomaaliya tegi jiray. Ilyaas waxaa uu sheegay in aysan suurtagal noqon karin in ay Kenya oo sheegan jirtay in ay muddo labo sanadood iyo dheeraad ah ay shir Soomaaliyeed ku martigelisay dalkeeda, isla markaana ay Soomaalida hiil iyo hoo la garab taagneyd in ay haatan sheegto in ay cunaqabateyneyso Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, go’aanka ka soo baxay Dowladda  Kenya ayaa waxaa uu si rasmi ah u dhaqangelayaa maanta, waxaana sida ay sheegeen ganacsatadii Qaadka keeni jirtay aanan jiri doonin duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee Qaadka geyn jiray Dalka Soomaaliya, halka diyaaradihii rakaabka uu iyana go’aanka sidoo kale saameynayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).